|

Dhimashada Qaraxii Muqdisho oo Korodhey,Wax Yar ka dib Markii la soo Xidhay Shirkii Wada Tashiga Doorashooyinka 2016

Muqdisho 21.Sep 2015 (SDN/QJ)-Afar ruux oo Soomaali ah, ayaa la sheegay inay dhinteen 11 kalena ay dhaawacmeen, kadib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya caawa.

B4F29558-5B29-4D6B-9576-357B7234EE6F_w640_r1_sDadka dhintay, ayaa laba ka mid ah waxa la xaqiijiyay inay ahaayen rayid, halka inta kalena ay askar ahaayeen. Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa askar iyo rayidba ay isugu jira.​

Qaraxa oo xooggana darti, ayay dad salaaddii Maqrib ku dukanayay masjid u dhow madaxtooyada ku dhaawacmay.

Weerarka, ayaa dhacay xilli ay wafuuddii shirka qaarkood ay madaxtooyada ka soo baxayeen, halka kuwa kalena ay halkaasi galayeen.

Gaari uu lahaa wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa waxyeello ka soo gaartay weerarka, waxana la sheegaya in qaar kamid ah ilaaladiisa oo Soomaali ahaa ay dhaawacmeen.

Ma cadda in weerarku uu bartilmaameedkiisu ahaa Nicholas Kay, hasa yeeshee wararka qaar waxay sheegayaan in markii uu weerarka dhacayay uu Kay ku sugnaa xarrunta madaxtooyada, uuna dhacay qaraxa xilli uu doonayay in uu madaxtooyada ka baxo.

Dhacadaani, ayaa waxay imaaanaysaa iyadoo maanta Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirkii wadatashiga ee doorashada xigta dalka Soomaaliya.

Comments are closed