|

Dhibta Hooyadaa Dheef Ma Kuu Noqotaa?

SHEECHargeysa:Feb,26,2015(SDN/QJ)-Mako waxay ku barbaartay nolol degan iyo qoys dhisan waxay ahayd guri dambays aad iyo aad loo jecel yahay lana koolkooliyo. Hadii ay kaalin gashay oo ay gashaanti noqotayba waxay kohatay inay gayaankeed iyo gadeedaba guur ka raadiso waxaana Alle Calaf isugu daray Miigane oo markaa ahaa gadaha Mako, markii ay isla fahmeen inay rug iyo reer yagleelaan geediga noloshana sii wataan ayaa sidii soo jireenka ahayd uu u soo golo fadhiistay la isu gudoomi , gaaf loo samee , goolal loo loog la isuna ducee. Hadii ay mudo guri lahaayeen noloshana gun iyo baar isla fahmeen deegaankoogaa miyigunu la yaabeen isku heelanaanta iyo jacaylka dhexdooda yaala . waxa Alle ugu deeqay wiilkii curad waxaanay ugu wan qaleen duunyo badan wiilkaa ka dib waxa Alle ugu daray laba ubad oo ah gabadh iyo wiil kale hadiiba ay sadex ubada haystaan . Waxa geeriyooday oo xaqii u yimid wadaadkii Miigane ahaa, Makana waxa deris u noqday walaac, walbahaar iyo wehel la,aan waxa ku soo uruurtay muruga iyo masuuliyada ubadkeedan waxay go,aansatay sidii ay nolosha u waji lahayd xaqana Alle ( SWT) ugu sabri lahayd waxay tallo ku gaadhay markay Asayda ama Hegenfta dhigto inay duunyada xoolaha ee ay haysto iibiso magaaladana u guurto si ay ubadkeega waxbarasho ula doonato waxay tallo ku soo goosatay inaanay nin dambe guursan balse ay ubadkeedaa gaadhsiiso nolol sare oo aanay tabin aabahood.

Guunyadiina iibisay magaaladii meel ka degtay waxaanay wajahday nolol adag , dhaqan ka duwan kay ku bartbaartay waxay kacaa kuftaba waxay iyadu habeen iyo maalin qadaba si ay ubadkeedu u dhargaan, waxbarashadii ku dartay waxaanay u noqotay hooyo iyo aabbe.

Hamigeega ugu weynina waa inay u darxumooto sidii ay iyagu asaagood u raaci lahayeen waxay ubadkeedii dhamaysteen dugsigii hoose dhexe waxaanay Mako niyada ka tidhaahdaa hada ayuunbay rajadii kuu soo dhawaanaysaa, somaliduna waxay tidhaahdaa “ Ninkaan Curadku Duuf laal Ka noqon Doonsin baa u Maqane’ waxa tahriibay wiilkeegii curad waxaanu beegsaday  xagaa iyo sucuudiga muddo markii u dhuumaalaysi ku jiray ee Makana ay daashadeen walaac iyo walbahaar aya wuxuu shaqo ka bilaabay meel lagu iibiyo jaadka qarsoodiga aha markii uu  maalmo yar joogay la isku xidh isagii iyo meeshiiba xabsi iyo ganaax la isugu dar warkii soo gaadh Mako oo markii horeba murugo la ildaran taladii ku cadaatay waxay go,aansatay inay maarayso waxaanay iibisiy meeshii ay daganayd oo ahayd dhulka aadka loo jecel yahay intii u soo hadhayna waxay ku iibsatay dhul kale oo aad ugu fog isagiina la soo deji hadii uu maalmo

joogay hooyo Mako ubadkeedii isugu yeedhay waana iyo hoga-tusaalayna u soo jeedisay  waxaanay warkii ugu soo goysay waar muuqiina ha iga dheeraynina, ha ii horseedina inaan  naxdinta ka qaad xanuuno aan ka bogsan waayo hana I badina in la ii doondoono cid I aasta !!!

Aax aax aax aax  ileen hadii damiirku kaa dhinto waxba ma dhaantid weel daloola oo waanadu way ku dhaaftaa , maalmo markii uu magaalada joogay ayuu hadana tacabiray beegsay bartaa iyo liibiya loona sheeg wadaadii xaalkeegu noqoy ileen ciil kuma dilee wuu ku daahiyaa!

Hooyo naxariis badanaa bartii ay daganayd qayb iibisay magafihiina kaga sii daysay bartaa doon ka raac waxay walbahaar baadkii iyo biyihii ka dheeraataba loo soo sheeg inuu dhintay  dhakafaarkii dhulka gashay dhakhtar la dhig loo sheeg inay ku soo boodeen macaan iyo dhiikar mataano ah warkeegu noqoy bukaan socod , iska samirtay subaxii waxay la maleegataa caagado dhawr ah duhurkii markuu xayawaanku hadh galana waxay buur iyo banaan la meeraysataa iyagii oo buuxa si ay caanaha macaamiisheeda ugu shubto warkeegu waa caydhi ma bukooto oo  markay socon kari waydaba meel bay kambadhuudhsataa hadana ka socotaa , muddo markuu xaalku sidaa iska ahaa wiilkeegii kale isna ha beegsado bartii walaalkii ku dhintay xaalkii Hooyo Makana ha noqdo dhulku kulama guuro, Saacadaada horteed ma dhimatid warka ugu horeeyay ee ku soo dhacaa ha noqdo lacagtii magafaha soo dir wehelkay haystaa ha noqdo walaac iyo  walbahaar waadaga nafteeda dhulkii yaraa ee ay deganayd ha iibiso magafihiina ha kaga sii dayso , aqal soomaligii yaraa iska furfuratay meel aan dhulkeegii hore sidaa ugu durugsanayn oo xabaalo ahna ha ka dhisato, xaalkeegii caafimaadna ha iska sii cuslaado wiilkeegina warkaaba ma hayee halkan ha la soo joogo lacagtii doontaa hadhay ………..Aaaaaaaaaaaaaaaaax marka  Mako la bariidayana waxay ku hal-celinaysaa tollow yaa ciiduun igu rogi oo I aasi doona isana uma bilawna jaarkii isku yaace dhakhtar la gee dawooyin loo soo miis wixii yaraa ee loo soo uruuriyay si ay nolol maalmeed uga dhigato  ileen waa hooyo iyo caadkeeda ha u dirto doontii

uu raacay war hore ha looga waayo dhiigii iyo macaankii cirkaa ha maraan dhakhaatiirtii iyo dawooyinkii ha dajin kari waayaan maalmo waxay sidaa ahaataba geeridii u  timid Mako.

La aas oo ehelkii iyo jaarkiiba ha galbiyaan inantii yaraydna isku buuqday oo koomo gashay.

Hadaba akhriste midha meesha taalaa waxa weeyi marka uu ilmuhu tahriibo hadii wuu waalidkii

wax walba u keeno oo wuu daaro fooqliyo duunyaduu doono siiyo waxa aanu marnaba dawayn

Karin ama aanu miisaankeeda soo celin Karin naxdintii gaadhay waalidka oo kaliya .

Fiiro Gaar Ah: qisadan ama xaalkani akhriste maaha malawaal ama iska samayn ee waa qiso dhaba oo dhacday

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed