|

Dhibaneyaashii Xulafada Kulmiye iyo saameynta uu khilaafka xisbigu ku yeeshay FAALLO

Edomonton June 02,2014(SDN/QJ)-Xisbiga Kulmiye oo mudo dheerba la dareensanaa in uu ku dhisnaa nidaam xulafeysi Beeleed ayaa haatan ay si buuxda u soo baxday in xisbigaasi uu sifo kala qoqob beeleed ah talada dalka kula wareegay.

Xisbiga Kulmiye ee haatan madaxa iskula jira sababo ka dhashay heshiis beeleedkii uu ku dhisnaa oo isku heyntuusu ay adkaatay ayaa waxa si lama filaan ah ku wejahay reerSomaliland intooda kale.

Intii la soo dhisay xukuumada haatan talada dalka heysaahi waxa sadarada hore ee saxaafada iyo afka mucaaridka aan marnaba ka maqneyn dheeli tir xumada saamiga degaanada Somaliland ay ku leeyihiin Xukuumada.

Haatana waxa soo baxday in sababtaasi ay aheyd iyada oo beelaha ku bahoobay Kulmiye ay sidaa hore wax uGu qorsheeyeen.

Hadaba kolkii qidadani u cadaatay reer Somaliland ayaa waxa dhacday in umadii cabashooda laga joogi waayay ay bilowday la kala safashada dhinacyada xisbi ay in badan ka tirsanayeen.

Waxa ay u aheyd reer Somaliland in ay ka faaiideystaan fursadan Kulmiye madaxa iskula jiro oo xal loo baadi goobo sida loo sixi karo khaladaadka Kulmiye.

Taasi waxa ay sababi laheyd in dhabaha cadaalada dalka dib loogu soo celiyo cidii nidaamka dalka dib beelo uGu celineysana dalka laga qabto.

Waxase haatan muuqda in cid waliba ay ku indho sarcaaday waxa dalka ka khaldan sidii loo xoojin lahaa,halka ay aheyd in sidii loo sixi lahaa.

Si kastaba oo ay tahayna waxa mudoo kooban ka dib dhan uun u dhici doona khilaafka Kulmiye waxaana dib u bilaabmi doona ka cabashada xukuumada haatan lala kala safan yahay.

SDN/QJ-Edmonton

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed