|

“Dhibaatooyinkii dalka ka dhashay iyadoon la xalin ayaa hadana loo booday Shiidaal in la soo saaro” Gudoomiyaha Ucid {DHAGAYSO}

Hargaysa 05.Sep 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhaliilay hab maamulka ay dalka ku Hagayso,Waxaanu Sheegay in iyadoo aan waxba laga qaban dhibaatooyinka dalka ka taagan ee ka dhashay Xanaftii doorashada in hadana Dawladu u booday inay tidhaa Shiidaal ayaa la soo saarayaa.

faysal cali waraabeGudoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu sheegay in doorashadii golayaasha deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay dabayaaqadii kal hore ay ahayd tii ugu foosha Xumayd isla markaana kala fogaysay sida uu xusay Bulshada Walaalaha ah ee Gobolada Awdal iyo Selel, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa hadalkan ka jeediyay Madal ay ku soo biireen Xisbigiisa Xildhibaano ka mid ahaa Ururadii hadhay gaar ahaan Gobolada Awdal iyo Salal .

Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga dhagaysato hadalka Gudoomiyaha Ucid
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Daadifaynfaysal(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed