Dhibaatooyinka laga aamusay ee Afrika soo wajahaya.
Dadka u qaxayay sababo degaankooda oo xumaaday, sida abaaro, fatahaado iwm, ee dunida oo dhan waxa lagu qiyaasay sannadkii 1994-kii 25 milyan oo qof, in ka badan kala badh ayaa Afrikaan ahaa.
Qaaradda Afrika dhibaatooyinka ay wajahayso ee dhinacyada degaanka iyo ugaadha, kuwaasoo saamayn laxaad leh ku yeelanaya dhaqaalaha iyo nolosha qaaradda ayaa ay u dheertahay mid ka mid ah masaa’ibta aadane sameega ah ee sida guud dunida uga taagan, taasoo ah isbeddelka cimilada adduunka.
Barafkii ku dadnaa Kilimanjaro oo dhalaalay |
Koox saynisyahanno ah baadhitaan ku sameeyey sida uu isbeddelka cimilladu u saameeyey qaaradda Afrika oo aan badiyaa loo tirin inay wax ku leedahay sababaha dhibaatadan keenaya, maaddaama aanay jirin dikhow badan oo ay dunida ku aafeeyeen warshadaha Afrika. Saynisyahannadani waxay daraasad ku soo bandhigeen, buurta Kilimanjaro ee Afrika ugu dheer in 85 boqolkiiba barafkii dabooli jiray sannadkii 1912-kii uu 26 boqolkiiba dhalaalay, qaybta sare ee buurtaas ee aan la arki jirinna ayaa dibadda timid sannadkii 2000.
Barafkii dul fadhiyay figaha sare ee Kilimanjaro ee dalka Tanzania ayaa u dhalaalay sidii ugu badnayd boqolkii sannadood ee ugu dambeeyey, waxana culimada sayniska ee u kuurgalay dhibaatadan cimillo xummada ah ee ku dhacday Kilimanjaro ay sheegeen in laga yaabo in guud ahaan barafka buurtaas ku sii dul hadhay la waayo muddo 20 sannadood gudahood ah. Isbeddelkan cimilada ee Kilimanjaro saamaynta ka dhalata, waxa ay ka soo ifbixi kartaa dadka, xayawaannada, iyo degaanka.
Buurtan ayaa ka mid ah buuro badan oo ku yaalla loolalka hoose ee dhulka oo waayay oogo-dadehoodii barafka ahaa, sida buurta Mount Kenya, iyo Rwenzori oo labaduba Afrika dhaca.
Ugaadhii Afrika ee dalal badan oo qaaradda ka mid ah u soo jiidi jirtay kumannaan dalxiiseyaal ah, isla markaana ay ka soo gali jireen boqollaalka malaayiin ee Doollar ayaa maanta xaalkoodu uu sidii hore ka duwanyahay.
Sida ay sheegeyso daraasad la sameeyey 59 boqolkiiba tiradii ugaadha Afrika hoos ayay u dhacday intii u dhaxaysay 1970-kii illaa 2005-tii.
Libaaxii raxan-raxanta ahaa ee Kenya, xilligan 2000 oo Libaax oo ayaa ka nool, dadka ugu badan ee Libaaxa Kenya ku laaya ayaa la sheegey inay yihiin, dadka Masaay oo u arka cadawga ugu wayn ee lo’dooda.
Libaaxii faraha badnaa ee ku dhex noolaa inta u dhaxaysa 1,500 oo Mile ee dalalka Sinigal, Nigeria, Niger iyo Burkinafaso ayaa ay imika ay ka noolyihiin 50 libaax oo kaliya, warbixin ay qortay National Geographic ayaa sidaa lagu sheegey, warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegey in laga cabsi qabo in guud ahaan galbeedka Afrika laga waayo Libaax.
Inkasta oo la sheego in Shabeelka Afrika uu asal ahaan ka soo jeedey dalalka Bangaladesh iyo China haddana tiradii Shabeelka Afrika ku noolaa aad ayay u yaraatay, gaar ahaanna kuwa duurjoogta ah oo cadaw ay u noqdeen dad si sharci darro ah uga ganacsada haraggiisa. Shabeelka ayaa dunida oo dhan ku sii yaraanaya, waxana imika la ogyahay inay jiraan in aan ka badnayn saddex kun oo shabeel ah oo duurjoog ah adduunka oo idil.
Wiyishii caddayd ee Afrika xilligan 4 kaliya ayaa ka nool, taasoo u muuqata mid sii dabar-go’aysa.
Maroodi loo laayay si Faanta loogala boxo |
Maroodigii qaaradda Afrika oo ay tiradiisii hore ahayd malyan iyo saddex boqol oo kun ayaa ay maanta ka joogaan lix boqol oo kun oo kaliya, warbixinnada qaarkood waxay sheegayaan in maroodiga Afrika imika lagu qiyaasi karo in ka yar shan boqol oo kun. Kooxo si sharci darro ah uga ganacsada faanta Maroodiga ayaa ah kuwa ugu daran ee sida ba’an u laaya maroodiga Afrika, waxana 18-kii daqiiqo ee kasta Afrika lagu dilaa hal Maroodi. Waxana iyana xasuuq lagu hayaa Wiyisha madow ee Afrika oo aan weli dabargo’in, balse tiradeedu ay ka yartahay in ku dhow kala badh tiradii hore.
Ugaadh kale sida Cawshii, Lo’-gisidii, iyo Bisad-sabaaddii ayaa iyana tiradoodu tii hore ay ka yartahay.
Dalalka Afrika qaarkood ugaadhii ku noolayd ayaa in badan oo kamid ah ayaa la waayay, sida Soomaaliya oo Maroodigii ku noolaa, Gerigii iyo ugaadh kale ay ka hayaameen colaadii ka dhacay.
Khayraadka badaha ee Afrika ayaa iyana qaarkood ay dhibaato wayn ku hayaan kalluumaysiga sharci darrada ah iyo ugaadhsiga Nibirga, sida waddanka Koonfurta Afrika oo si sharci darro ah imika Nibiriga looga ugaadho.
Dalka qaaradda Afrika ugu xeebta dheer ee Soomaaliya tan iyo horraantii
Nin ay ku neefsatay haan badda ka soo baxday |
sagaasheemada waxa badihiisu ay bartilmaameed u noqdeen kalluumaysiga sharci darrada ah, iyo ku shubiyadda sunta kiimikaadka ah ee warshadaha, waxana badda Soomaaliya oo lagu qeexo bad dihin oo bacrinsan, oo khayraad badan uu dhex yaallo laga qaatay kalluun badan oo si sharci darro ah lagu ugaadhay, waxana kooxaha bililiqada ku wada badda Soomaaliya ay ku keceen tallaabooyin ka mamnuuc ah kalluumaysiga sida inay xaalufiyaan goobaha uu kalluunku ku dhalo, iyo in noolaha yaryar ee badda ee aan gaadhin ugaadhsiga si aan loo meel dayin loo dhibaateeyo iyaga iyo hoy-badeedkoodaba.
Kasokow kalluumaysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya lagula kacay, waxaa jira dhibaato wayn oo kale oo kalluunkii iyo khayraadkii kale ee badda Soomaaliya soo gaadhay, waxana xeebaha Soomaaliya sannado badan oo is xigxigay lagu arkay kalluun dhintay oo soo caariyay iyo haamo ay sun ku jiraan oo ka soo baxay badaha dalka Soomaaliya, kuwaasoo si caalami ah loo qiray inay yihiin sun halis ah oo kooxo maafiyo ah ku ay shubaan badaha Soomaaliya.
Ma jirto cilmi baadhid dhab ah oo laga sameeyey tirada kalluun ee sannad kasta sharci darrada lagaga ugaadho Soomaaliya, iyo inta tan ee sun ah ee badaha Soomaliya lagu aasay.
Hawdadka ayaa iyana dhibaato wayn Afrika laga soo gaadhsiiyay, sida dhirta looxyada laga sameeyo oo ay sharikado Yurub degani ku bixiyaan lacago si loogu dhoofiyo, waxana hawshan si sharci darro ah ku qabta dad Afrikaan ah oo nabaad-guur ku haya dhirtii hawdka Afrika.
Waxa kale oo jira dhir kale oo loo gooyo in laga shido Dhuxul, taasoo dhibaato
Dhuxul loo diyaariyay in Soomaaliya laga dhoofiyo |
wayn ku haysa Soomaaliya, isla markaana la sheego in degaanno ka mid ah dhulalkii hawdka badnaa ee gobollada Jubbooyinka, Shabeellooyinka, Baay iyo Bakool, Hiiraan, iyo Sanaag dhuxul badan oo laga gubay ay keentay natiijo ah in dhulkii hawdka badan lahaa ee Soomaaliya uu muuqaal arradan haatan leeyahay.
Jaridda dhirtaas dhibaato kale oo ka dhalatay ayaa ah in jeex-jeexyo badan oo dhulka ka samaysmay markii dhirtii ay yaraatay ay keenaan nabaadguur ku dhaca nafaqadii ciidda.
Dhibaatooyinka aan inta badan laga hadlin ee qaaradda Afrika haysta ayaan ku soo koobayaa toddobadan, kuwaasoo dhibaatooyinka gaadhay ay si dadban iyo toosan u taabanayaan nolosha dadka Afrikaanka ee qaaradda Afrika.
- Hawada ku xeeran dhulka (Atmosphere)
- Nolosha kala duwan ee degaanka ku tiirsan (Biodiversity)
- Degaanka xeebaha iyo badda (Coastal and Marine Environments)
- Hawdkii (Forests)
- Biyaha nadiifta ah, ama biyihii macaanaa (Freshwater)
- Dhulkii (Land)
- Magaalooyinkii (Urban Areas)
Haddaba roob yarida, fatahaadaha, iyo abaaraha ka taagan qaaradda Afrika, ugaadha sii yaaranaysa, dadka qaxootiga sii noqonaya ee ka barakacaya degaannada xummaaday, ma yihiin kuwo ay madaxda Afrikaanka ah iyo dadka aqoonta leh ee Afrika ku baraarugsanyihiin? Haddayse ogyihiin ma ka hortagaan waxyeello kale, mana caymiyaan inta imika laga gaadhi karo ee badbaadada u baahan?
FG: Xogaha qoraalkan ku jira waxaan ka soo kala ururiyay National Geographic, Reuters, UN, The Independent, iyo warbixinno saynis.
Adam Shardi Ahmed
Journalist
Facebook: ashardi1
Skype: adam.shardi
Email: adshardi@gmail.com, adamshardi@yahoo.com
Soundcloud: https://soundcloud.com/adam-shardi