“Dhibaatooyinka Kenya ka dhacayaa waa kuwo ku baahay Kenya oo dhan way habboon tahay inaan diiradda saarno siday wax u socdaan oo aan ka feejignaanno” Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka u qaabbilsan ee Afrika
Washington 11.July 2014 (SDN/QJ)- Dawladda Waddanka Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday inay Kenya ka gacan-siin doonto hawlgallada iyo la-dagaallanka ka dhanka ah Kooxda Argaggixisada ah ee Al-Shabaab iyo ka hor-tagga hawlgallada ay Kooxdaasi ka fuliso gudaha dalka Kenya, iyadoo Al-Shabaab tan iyo sannadkii hore laban-laabtay weerarrada ay ka fuliso waddankaas.
Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka u qaabbilsan Afrika Linda Thomas-Greenfield oo Warbaahinta la hadashay, ayaa sheegtay inay ka caawinayso dawladda Maraykanku dhiggeeda Kenya la-dagaalanka Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegtay inay weerarro is-daba-joog ah ka geysteen gudaha dalka Kenya. Waxaanu hadalkani ku soo beegmay iyadoo Al-Shabaab saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyey weerarro ay ku qaadeen gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobollada Xeebta ee ku dhaw Xadka ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan, isla markaana ay ku dhinteen illaa saddex weerar oo ay qaadeen dad ka dhawr iyo sagaashan qof lagu sheegay.
“Waxaan rajeynayaa inaan Kenya kala shaqeyn karno sidii xaaladda amni ee dalkooda loo adkeyn lahaa. Waxaana rajeynaynaa in Keenyaanku ay iyaguna gacan ka geysn doonaan la-dagaalanka argagxisada, waayo argagaxiso waa kuwo saameyn xooggan ku yeeshay shacabka Kenya.” Sidaa ayey tidhi Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka u qaabbilsan Afrika Linda Thomas-Greenfield.
Haweenaydan u hadashay dawladda Maraykanka, ayaa sheegtay in dhimista Shaqaalaha ka hawlgalayey Safaaradda Mareykanka ee Kenya ay tahay mid Ku-meel-gaadh ah, isla markaana ay sababtay ama keentay xaaladda ammaan-darro iyo weerarrada ay Al-Shabaab ka wadaan gudaha waddanka Kenya.
Linda Thomas-Greenfield oo ka hadlaysa weerarrada Al-Shabaab ee Kenya ku batay bilihii u dambeeyey waxay tidhi; “Waxaan la leennahay iskaashi xoog leh Hay’adaha Kenya ee ku howlan la-dagaallanka argaggixisada, waayo? Dhibaatooyinka Kenya ka dhacayaa waa kuwo ku baahay Kenya oo dhan bilihii lasoo dhaafay, sidaa awgeed way habboon tahay inaan diiradda saarno siday wax u socdaan oo aan ka feejignaanno, annaga oo Kenya kala shaqaynayna wixii suuragal ah.”
Kaaliyuhu waxay walaac ka muujisay howlgallada ay Ciidammada dawladda Kenya ku qabqanayaan Soomaalida ku nool magaalooyinka waaweyn oo Nairobi ay ka mid tahay, kuwaasoo qaarkood lagu celiyay xeryaha qoxootiga kuwo kalena loo musaafuriyay Soomaaliya, waxaanay tidhi; “Kenya waxay u ogolaataan marti-gelin dadka kasoo cararaya cadaadisyada ay kala kulmayaan dallakooda.” Sidaa ayay tidhi Linda Thomas-Greenfield oo sheegtay inay dawladdeedu ka xuntay dhibaatada Soomaalida Kenya Ciidammadu ku hayaan.
Dawladda Maraykanka, ayaa Saldhigyo Millateri oo in kooban laga ogyahay ku leh waddamada Bariga Afrika, waxaanay markii ugu horreysay dawladda Maraykanku qiratay inay Somaliland ka joogaan Askar Boqol ka badan oo tirsan Ciidammada Maraykanka, isla markaana u jooga Soomaaliya hawlgallo Ciidan iyo hawlgallo gaar ah oo ay Sirdoonka iyo ilaalinta danaha Maraykanku ka mid yihiin.
Waxay Maraykanku siyaabo qarsoodi ah hawlgallo kala duwan Diyaarado ugaga fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya sannadihii la soo dhaafay, kuwaasoo duqaymo ka geystay goobo mucayin ama bartilmaameed u ahaa oo ay Kooxda Al-Shabaab ku sugnaayeen iyo Xeryo Ciidan oo ay Kooxdaasi lahayd.
Washington SDN/QJ
contact@qurbejoog.com