|

Dhibaatooyinka Ay Bulshada Hargeysa Kala Kulmaan Carruurta Ku Shaqeysa Baalashka WARBIXIN

Hargaysa 17.October 2016 (SDN/QJ):- Inta badan Dhalinyarta ku shaqeysta Baalashka ee ku nool magaalada Hargeysa, waxaa ay bulshada qaybaheeda kala duwan kala kulmaan Dhibaatooyin kala duwan, waxaana dhibaatooyinkaa ka mid  ah in Dadka qaarkood ay Baalashlaha kala tagaan Lacagta uu kabaha ugu Baalasheeyay.

kabo-caseeyeyaalDhalinyarta Baalashka ku shaqeysta oo ka soo jeeda Bulshada Danyarta ah danyarta ah ee aan meel kale dhaqaale ka soo gelin, ayaa waxay suuqyada ugu soo baxaan inay dabbaraan nolosha qoyskooda, Inkaska oo ay jiraan tiro kooban oo xaafadahooda kasoo baxsaday oo shaqadan qabta.

Markaad dhex marto Suuqyada waxaad ku arkaysaa diifta iyo daranyada ka muuqatada dhalinyartaasi, oo muddooyinkan dambe u badan carruur ka yar Toban jir,  kuwaasi oo jooga da’dii ay waxbarasho ama nolol wanaagsan ku heli lahaayeen.

“Shaqadeydu way fiicantahay oo reer dhan baan ku biiliyaa, Hooyaday iyo Carruurtayada, inkasta oo uu Aabahay dhintay, haddana nolol maalmeedkooda waan uga soo saaraa xaafadayada”sidaasi waxaa yidhi Fahmi Maxamed oo ah wiil 12jir ah oo u waramay Idaacada Koor isla-markaana suuqa magaalada Hargeysa ka dhex shaqeysta Baalashle.

Fahmi Waxaa uu sheegay inay dhibaato kala kulmaan dhalinyarta kooxa isku urursata kuwaasi oo uu sheegay inay ka qaadaan lacagtii uu maalintaasi shaqeysto taasina ay keento inay Hooyadii oo biilkii xaafadda ka sugaysay marka ay ka waydo Erido oo ay caydhiso.

“Dhalinyarada Xaafadaha fadhiista ayaa lacagta Iga qaata markaanu shaqeyno ee aanu xaafadda sii tagayno, dad iga aan u shaqeeyo ee aan kabaha u baalasheeyo qaarbaa xoog iskala taga, dhibtaasi ayaanu ku qabnaa bulshada”ayuu yidhi Fahmi.

Fahmi Maxamed waxaa uu sheegay inuu u shaqeeyo Hooyadii iyo Saddex Caruur ah oo la dhalatay “Caruurtayada iyo Hooyaday ayaan u shaqeeyaa, iyadoo ay maalmaha qaar suuqu nagu xunyahay, Haddana waxaa dhibaato ah inaanu nolol maalmeedkii Helno, dadkii ayaa adigoo shaqeysanaya ku caayaya, Meheradihii hadaad qof baalash waydiiso dhibaa kasoo gaadheysa, laakiin waa iska caadi haddii aan hooyaday ku biilinayo”ayuu yidhi Fahmi Maxamed oo ka cabanayay dhibaatooyinka ay kala kulmaan bulshada.

Comments are closed