|

Dhibaatooyin Soo Foodsaaray Dadka ay xoolihii ka Dhamaadeen ee Gobolka Mudug DAAWO

Gaalkacayo 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Iyadoo ay abaaro xoogan ka jiraan dhulka miyiga ah ee gobolka Mudug ayaa xiligan waxaa sii xoogaysanaya dadka ay xooluhu dhaafayaan.

Duleedka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo waxaa kusoo xarooday dad 20 Qoys ah kuwaas oo abaartu ay dhaafisay xoolihii ay ku dhaqanayeen dhulka miyiga ah.

Dadkan ayaa waxaa soo wajahay dhibaatooyin ay ka mid tahay Gaajo iyo Xanuuno taas oo ay u sii dheertahay Guri la,aan.

Maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo iyo dawlada dhexe ayey ka dalbadeen in laga warqabo dadkan oo Caafimaad loo qaado.

Koox Wariyaal ah oo ka tagay degmada Gaalkacyo ayaa booqasho ku tagay Xarun dadkaasi degeen taas oo uu ku wareejiyey Gudoomiyaha Naafada gobolka Mudug Siciid Bare Khalaf

Comments are closed