|

Dhibaato Adag Oo Laga Soo Sheegayo Cisbitaalka Magaalada Burco Oo Qarka U Saaran.. DAAWO

Burco 07. August 2017 (SDN/QJ):- Sida ay ku warameen qaar kamid ah bukaanka jiifa Isbitaalka weyn ee magaaladda Burco waxaa xaalad aad u adagi ka jirtaa cusbitaalkaasi oo ku dhow in albaabada la isugu dhufto.

Qaar ka mida waalidiinta bukaan-jiifka ah ee ku sugan cusbitaalka Burco oo Warbaahinta uga waramayay xaalada Cusbitaalka ayaa tilmaamay inuu hadda ku sugan yahay cisbitaalku meeshii ugu hoosaysay.

 

Hoyooyinkani iyo aabayaashani ayaa u daliishaday in cisbitaalka ka maqan yihiin baahiyha cafimaad waxanay eedo kulul ujeediyeen maamulka caafimaadka Gobollka Togdheer iyo wasiirka cafimaadka oo ay ku eedeyeen inay ka mashquuleen shaqadoodi.

 

Qaar ka mida Hoyooyinkan ayaa cod dheer ku sheegay in uu hada u dhaw yahay inuu xidhmo cisbitaalku sidoo kale sheegay inay ka wayeen dhakhaatir u shaqayso oo u heelan.

 

Maamulka cisbitaalka wayn ee magaladda Burco iyo isuduwaha caafimaadka gobolka Togdheer ayaa u muuqda inay ku fashilmeen shaqadii loo igmaday marka loo eego cabashooyinka is biirsaday ee ka soo yeedhaya cisbitaalka Burco.

 

Xukumada u majaraha u hayo Madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo ayaa laga sugayaa inay talaabo degdeg ah ka qabato Cisbitaalka Burco oo hada u bahan in daryeel cafimaad ay hesho, isla markanaa wax laga qabto cabashooyinka ka soo yeedhaya bukaan-jiifka cisbitaalka Burco.

Comments are closed