“Dhibaatada ugu weyn ee Maanta somali haysataa waa taa madaxweynuhu u dhoof dhoofayo ee Djibouti u Tegayey ee ah Qolyahaa Somaliland iyo Umadda Soomaaliyeed” Cali Khaliif
Muqdisho:Dec,26,2014(SDN/QJ)-Cali Khaliif Galaydh oo sheegta Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, ayaa ka degay Magaalada Muqdisho, waxana uu sheegay in ujeeddada safarkiisu tahay sidii uu arrimaha Maamulkiisa ugu xidhi lahaa Dawladda Federalka ah ee jirta.
Cali Khaliif oo haatan kasoo noqday Safarro uu kusoo marayey Dalal dibadda ah si uu dadka Deegaanada Khaatumo kasoo jeedo ugu guubaabiyo inay Maamulkiisa u gurmadaan, ayaa sheegay inuu u socdo sidii uu madaxda Dawladda ugula xaajoon lahaa arrimo xagga siyaasadda ah, isagoo xusay inuu wada-hadallada Somaliland iyo somalia dhex maraya xukuumadda kala hadli doono.
Mudane Galaydh oo muddo shan Bilood ah hayey Hoggaanka Kooxdaas oo wali salka dhigan, ayaa ka Hadlay Wada-hadaladii labada dhinac ugu soo dhamaaday Magaalada Djibouti, waxana uu intaas ku daray in maamulkiisu dulmi badan ku qabo xukuumadda Xasan sheekh, isla-markaana arrimaha wada-hadallada uu u arko in qaybtooda la siiyo,
“Dhibaatada ugu weyn ee Maanta somali haysataa waa taa madaxweynuhu u dhoof dhoofayo ee Djibouti iyo U Tegayey ee ah Qolyahaa Somaliland iyo Umadda Soomaaliyeed Xidhiidhka ka dhexeeya ama xidhiidhkaa ay ku dhawaaqayaan inay jarayaan, arrimahaasina waa na Khuseeyaan aad iyo aad Bayna noo taabanayaan. Waxana jecelahay inaan madaxweynaha iyo cidda magaaladan joogta ee qaranka madaxda ka ah bal shirarkaas iyo waxanu warbaahinta ka maqlayno inaanu u aragno inaanu danahayagii marti ka nahay.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.
Cali Khaliif, ayaa markii uu sheegay inuu madaxweyne Khaatumo noqday La kulmay dhirbaaxooyin iyo cadaadis baaxad leh oo kaga yimi Somaliland iyo Maamulka Puntland, waxana la geliyey Go’doon siyaasadeed oo dhinac walba ah, waxana hantaaqooyinka gaadhay kamid ah Dawladda Ethiopia oo Gobolka Awood ku leh uu ka waayey wax taageero ah isla-markaana ay u sheegtay inuu joojiyey dagaalka iyo Fidnada uu ka wado Deegaannada beeshiisu deggen tahay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com