|

“Dhibaatada Ugu Wayn Ee Carqaladda Ku Ah Soomaaliya Waa Maamulka Somaliland” Prof Cali Khaliif Galaydh

Hargaysa 28.Dec 2014 (SDN/QJ)- Hoggaamiyaha kooxda la baxay Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in magaalada Taleex ay ka leeyihiin dano badan, isla markaana wuxuu tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya carqalada ku ah ay tahay maamulka Somaliland, sidaa wuxuu ka sheegay mar uu shalay la hadlayay warbaahinta Somalia.

cali khaliif galaydh“Ha’yaddo iyo Safaarado badan ayaa jooga Somalia xukuumaddii iyo Baarlamaankiina way jiraan. Taleexna dano badan ayaanu ka leenahay oo aynu is waraysano. haddii arrimaha qaar la isku diidan yahay ama si loo wada arkayn ma kala tegayso. meelahaas xurgufta iyo is maandhaafka ka jirtana waxaan qabaa wadahadal, heshiibaa la yidhaahdaa. Dhibaatada ugu badan ee maanta Soomaaliya haysata, waa taas Madaxweynaha Somalia u tegay Jabuuti  ee ah maamulka Somaliland iyo umadda Soomaaliyeed xidhiidhka ka dhaxeeya ama xidhiidhka ay ku dhawaaqayaan inay kala jarayaan,” ayuu yidhi Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Prof. Galaydh wuxuu sheegay inay arrimaha wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay aad iyo aad u taabanayaan waxaanu yidhi, “Arrimahasi way na quseeyaan aad iyo aad ayay noo taabanayaan, waxaan jecelahay in Madaxweynaha iyo xukuumadda magaaladan joogta ee ummaddan ka masuulka ah in shirarka aanu ka maqlayno warbaahinta inaanu u aragno in danahayagii aanu marti ka nahay.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed