|

Dhibaatada Qaadka iyo Dhayalsiga Puntland

13 kii bishii july ayay dowlada Itoobiya Soosaartay go,aan lagu xakamaynayo dhibaatda qaadka ee gudaha wadanka Itoobiya fadlan eeg wareegtada wasiirka arimaha gudaha oo hoos kulifaaqan.

Wasiirka arimaha gudaha iyo hurumarinta Dowlada itoobiya ayaa wuxuu intaas kudaray in Loo baahan yahay in laga hortago dhibaatada qaadka wadanka gudihiisa gadistiisan laga xakameeyo dhalinyarada wixii 18 jir kayar iyo sidoo kale in canshuur xad dhaafa lagu soo rogo dadka wadanka gudihiisa qaadka kugada.

Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in loobaahan in Kor loo qaado qaadka Wadanka dibadiisa Loodhoofiyo kasoo wadanka soogaliya lacag laguqiyaasay  $280 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Hadaba waa su,aale waayo wadamada dalka dibadiisa ah oo uu wasiirku kahadlayo oo qaadka itoobiya loo dhoofiyo,

Waxaan shaki kujirin inay Puntland kamid tahay wadamada qaadka itoobiya loo dhoofiyo oo wasiirku kudhawaaqay in kordhiyo, hadaba waa maxay dowga ufuran dowlada puntland ,si ay uga hortagto dhibaatadan faraha badan oo uu qaadku kuhayo puntland , caafimaad ahaan ,dhaqaale dumis ahaan,iyo dhalinyaradii usoo kici lahayd mustaqbalka puntland oo la orankaro qaadku midiyuu u afaysanayaa, si loo xakameeyo lacagta adag oo qaadka kubaxaysa, mahaboontahay qaadka inta xalkale loo helayo inlasameeyo  ( Regulation ) ama xakamayn dowladauna tisgaliso qodabadan hoos kuqoran.

In si loo yareeyo lacagta adag oo wadanka kabaxaysa  lana lasameeyo waxa layiraahdo (Business Exchange) oo dalka itoobiya loodhoofiyo kaluun,Cusbo,Hargo,Beeyo IWM.

Wasaarada Waxbarashadu inay   Iskuulaadka Hoose dhexe iyo Sareba Laga bilaabo wax layirahdo ( Drug Awareness )  Si looga digo Jiilka Sookoraya khatarta qaadku leeyahay.         In Hooyooyinka qaadka gada    lagu dhiiro galiyo inay furtaan Kabaro yar yar oo gada qudaarta  sharaabka  ,IWM.

hay ada Daryeelka Puntland ay u sameeyso  barnaamijyo lagu taageerayo dhaqaale ahaan,hooyooyinkaas si ay u helaan masaa riiftooda, hay,ada daryeel waa inay uguyaraan garab istaagto hooyadii iska daysa iibinta Qaadka taageertana mudo lixbilood ah inta ay isku filaasho ka gaarayso, barnaamijkaas oo lagu bilaabi karo 100 hooyo sanadkii.

Wasaarada Isboortigu inay usamayso tartano ciyaareed oo looga mashquuliyo dhalinyarada qaadka

In laga madnuuco kugadista qaadka farasmagaalaha Garoowe <gaalkacyo, Boosaaso,iyo magaalooyinka kale ee Puntland , wasaaragda arimagha guduhuna, iyo duq maagaladuna kaqayb qaataan arintaas, Loona sameeyo  xero magaala kabaxsan oo qaadka lagugado, oo xeradaasoo kale loo bixiyo magac katurjumaya waxqabadkeeda sida   Qaylobadan ,Qashinbadan, Qarash badan,Qoys dumiya, Qayiran,Qosolxun,(, Oo loo soo koobi  karo,  ( QQleey )…

Taasoo keeni karta inay xerada QQleey ay noqoto meel daku kaxishooso, oo dhuumasho lagu aado.

Samaynta QQleey i waxay kor uqaadi doontaa  Bilicda magaalada, in buuqa ,qashinka ,iyo tuugtu kuyaraadaan farasmagaalaha,

in aan laga gadin qaadka 18 jir iyo wixii kayar ,go,aan adagna laga qaato cidii sharciyadaas jabisa.

Waxaan ku kalsoonahay in ay  dowlada puntland  tixgalin doonto fikirkaan iyadoo aanu lasocono in xukuumada madaxdeeda sarsare aad unecib yihiin qaadka haba ugu Horeeyee Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane DR Abdiraxmaan  Maxamed  Maxamuud faroole.

Ugudanbayntii in waxaan baaq udiraynaa in dhamaan  Dowlada iyo shacab weynaha Puntland   sida Culumada ,Aqoonyahanada,  Warbaahinta, beecmushtaka,iyo Abwaaniintu  inay sibuuxda u garab istaagaan dhalinyaradan utafaxaydanaysa inay Puntland kawacyi galiyaan dhibaatada qaadka ururka ladagaalanka qaadka oo dhawaan lafilayo in Looga dhawaaqo Puntland

(Puntland Anti Drugs Origination)

 

Rji ama Riix Halkaan Hoose  Wasiirka arimaha gudaha itoobiya.

 

http://www.mareeg.com/fidsan.php?Dowladda-Federaalka-Itoobiya-Oo-Dalkeedka-Ka-Dhimeysa-Isticmaalka-Qaadka-&sid=24960&tirsan=2

Salaan Qaaliya

Gudoomiyaha Ladagaalanka Qaadka UK&EU

Abukar Awale ( Qaad Diid )

Comments are closed