DHEGEYSO:Balaanqaadyadii iyo Cahdiyadii uu Madaxweyne Siilaanyo Qaaday maxaa ka Fulay,Markaad Dhagaysto ka dareen Celi
London June 19,2013(SDN)-Dhegeysteyaal Waxaan halkan aanu idiinku kuugu soo Bandhigeynaa Weedho balan qaadyo ah Oo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu Warbaahinta ka sheegay Xiligii uu ku gudo Jiray Tartankii doorashada Madaxtooyada iyo Doorashadiisii ka dib kuwaas oo marka Maanta laga qiyaas qaato noqonaya Cahdigii Balan Furka.
Waxaa Balan qaadyaaa ka Mid ahaa Tahriibka oo ay Joojinayaan,Xukuumada uu soo dhisay oo ahayd sida uu yidhi tii ugu yarayd,Warbaahinta qaranka oo loo sinaanayo,in Wadooyinka oo dhan lagu Xidhayo Laydhadha kala haga gaadiidka, inay joojinayaan ku hadalka Mobilada Saacadaha gaadiidka la wado,in la isu furayo Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Balanqaadyo aan hirgalin.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/BALANQAADYADII.mp3″]