|

DHEGAWEYNOW, INA XAASHOW, FAYSALOW, XASAN CIISOW— YARKU WUU HANJABEY OO INUU XOOG XUKUNKA KU HAYSTO AYUU SHEEGE MAXAA INOO XAAJO AH

Dhamaan salaan iga gudooma.

Hello reer Somaliland may maqleysaan… sow kamaad cabaneynin faqash , sow kamaad dagaalamin nin kursi reernimo iyo awood qabiil ku haysta oo ku baana… Maanta ta tagaani inamey soo marin, maynaan arag oo maynaan maqal.

Yarku fariidsana, Yarku geesisana, Yarku indha adagaa, xaguu awooda intan leeg ee uu ku hanjabayo ka keenay?, goormuu hantidan dalka ee uu sheeganayo iska yeeshay?, goormuu durtababa xadhiga iyo xabada inoogu hanjabaya? . Inagoo is caayeyna waynu maqli jireynaye goormeynu kala xoog badaney goormeynu isu hanjabney goormeynu is qabsaney, goormeynu Gaani, Maslax, iyo Moorgan cusub yeelanay. Akhirooyey xageebada naga xigtaa!!!!.

Luqada Xirsi ku hadalaya ma aha mid qof damiir lihi uu aqbali karo, ma aha mid isaaniyad iyo dadnimo ku dhex jirto, waa luqadaha lagu yaqaano nooca diktaytarada aduunka weliba kuwood ugu xun, waa sifaha lagu yaqaano macangaga ay sidii xoolaha nool, xero ugu jiraan dad biniaadam ah oo iyaga iyo hantidoodaba uu ku amar ku taagleyo, una haysto inuu isagu iska leeyahey!!!!. Qofkasta oo damiir lihi oo xasuunsan ama xisaabta ay ugu jirto xanuunka uu leeyahay diktaytar dadka ku dul socda waxaa ku waajiba inuu meel adag iska taago, xaajada Wiilkaa yar ee Xirsi Gaab. Xirsi waa reer Miyi badowba oo taladiisu tahey xiniinyo taabad iyo inadhaha oo xabag la marsado…

Shaley bay aheyd markuu gawaadhida qoriga saarayey, shaley bay aheyd markuu lahaa Riyaale lahaa dhengad baan Qasriga kaga soo saaraya, shaley bay aheyd markii Liisanka Cayda la siinayey, Shaley bay aheyd markii lakala doortey in xabadu dhacdo iyo Silaanyo kursiga lagu fadhiisiyo.

Ma isaga ah ninkii hadal iyo qof wax yidhi ka caban lahaa,,,,,,,

Waxaan ku soo gabageynaya hadaan colka wadhaf lagu dayin oo inta uu dhow yahey aan Xirsi Gaab la iska qaban waxey xaaladu ku daneyn doonto iney ka dhacdo xageebaynu joogna.

Mohamed Ali Dheere.

Hargiesa Somaliland

Alidheere.live@hotamil.com

Comments are closed