Dhawr iyo Toban Qof oo Xabsiga Beledweyn loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay inay Xidhiidh la Leeyihiin Alshabaab
Beledweyne 02.Nov 2013 (SDN)- Ciidamada dowladda ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta hawlgal ka sameeyeen xaafadaha magaalada ku soo qabtay 16 qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin maleeshiyada Alshabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan Kornayl Tawane Axmed ayaa sheegay in hawlgalka uu qeyb ka yahay dadaallo lagu adkeynayo ammaanka gobolka.
Taliyaha ayaa sheegay in dadka la xiray qaarkood la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Alshabaab, maadaama qaar ka tirsan dadkaasi guryahooda laga helay lix qori.
Taliyaha ayaa sheegay in dadka hawlgalka lagu soo qabtay lagu xiray saldhigga booliska ee degmada Beledweyne.
Guddoomiye ku-xigeenka ammaanka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Tusbaxle ayaa sheegay in maamulka gobolka uu dardar gelin doono ammaanka, isagoo sheegay in dadka maanta la soo qabtay sharciga la horkeeni doono.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa dadweynaha gobolka Hiiraan ku booriyay in la shaqeeyaan laammaha ammaanka si loo sugo amniga.
Beledweyne SDN.
Qurbejoog.com