Dhaqanxumadii Ugu Yaabka Badnayd Oo ay ku Kacday Hay’adda IOM Iyo Xafiis ay Ku Dhiirrigelinaysay Sidii Haweenku Jidhkooda Uga Ganacsan Lahaayeen Oo La Xidhay
Hargeysa:25-March-2014(SDN)-Iyadoo ay Hadal Haynta Bulshada Somaliland ee Dhinaca Hay’adaha Dalka ku Sugani, ayaa waxa ay Xukuumaddu qaadday Tallaabadii ugu Horraysay oo Albaabada ugu xidhayso Xafiis Fawaaxish lagu eedeeyey.
Waxa ay ciidanka Booliska Somaliland Maalintii shalay Albaabada u xidheen Xafiis ay Hay’adda IOM ku lahayd Magaalada Hargeysa oo ay ku sheegtay inay Haweenka HIV Aids-ka qaba wax ugu qaban jireen, balse la Ogaaday in ujeeddada Xafiisku ahayd dhiirrigelinta Sidii ay Haweenku Jidhkoodu uga Ganacsan lahaayeen.
Xafiiskan oo Muddo kooban furnaa, isla Markaan Xaruntiisu ahayd Xaafadda Shacabka ee Badhtamaha Hargeysa, ayaa Ugu dambayntii la Xidhay kadib Dabagal iyo Baadhitaan lagu sameeyey, waxana la Xaqiijiyey inuu Xafiiskaasi ku Hawllan yahay arrimo ka Baxsan Anshaxa Suuban, iyadoo Dacwaddiisana loo Gudbiyey Hay’adaha Sharciga.
Ma jiro xukun laga soo saaray xafiiska la xidhay, hase yeeshee sida aanu wararka ku helnay waxa ogolaanshihii xafiiskaas lagu furay ka noqday Hay’adda Qaranka ee xakamaynta iyo la-dgaalanku Xanuunka HIV/AIDS-ka kadib markii ay soo baxeen dhaliilaha lagu xidhay xafiiska IOM.
Falalka Dhaqan xumada ah ee lagula kacayo Haweenka iyo dadka Jilicdasan ee Somaliland ayaa soo kordhaya, gaar ahaan Caasimadda hargeysa waxa soo badanaya Danbiyadda lala xidhiidhiyo Jinsiga, Sixirka iyo cudurada.
Ma aha Xafiiskan oo kaliya Goobaha dhaqan xumada lagu sameeyo ee Hargeysa ka Dhex Furani, balse waxa jira Boqolaal Xafiis Oo Hay’ado Dalka Joogaa ay ku fuliyo Arrimo Diinta iyo dhaqankaba ka dhan ah, iyagoo sheegta shaqooyin been abuur ah, waxana inta Badan ay shaqooyinka Caynkaas ah laga Bilaabaa Haweenka oo ah qaybta ugu jilicsan Bulshada iyo meelaha ay abaari karaan.
Xukuumadda Somaliland kamay hadal illaa hada dhacdadan waxaanay u muuqataa in ay ka aamustay.
Gudidii la dagaalanka dhaqan xumada ee Madaxweynaha Siilaanyo magacaabay ayaan illaa hada iyana wax talaabo ah ka qaadin dhacdooyinkan isa soo taransanaya ee dhibaatada ku ah bulshada.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com