|

“Dhaqanka Qabyaaladu Wuxuu Dhaawacay Horumarkii La Higsanayay” Eng Maxamed Xaashi Cilmi DAAWO

Hargaysa 03.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa si adag uga hadlay heerka Qabyaaladeed ee dalka ku sii kordhaya, waxana uu tilmaamay in nidaamkii dawladnimo loola kacay sifo khaldan oo aan horumar lagu gaadhi karin.

“Ninka Qabiilka lagu doortay waa Siilaanyo oo inta Reerku Gar-adag ku Shireen ay yidhaahdeen Ninkaas ayeynu wadanaaye  hana loo doorto, caado    aad u foolxun  oo qabiil ah baa Gar-adag kasoo Bilaabantay, waana tan immika aynu maqalno sanadkan Reer Hebel iyo Reer Hebel baa leh, Qabyaaladdu maanta Taariikhda Gar-adag bay ku gelaysaa.” Ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi oo u waramay Telefishanka STAR

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Saddex Reer uun baa Haatan Madaxtinimada u beretamaya, kuwaas oo kala ah Awal, Habar Yoonis iyo Habarjeclo. Intii kalena fursad ma laha si kastaba ha u wanaagsanaadeene, Dhibaatada dalka haysata oo qabiil ahina waa taas Gar-adag kasoo bilaabantay. Reeraha yar yar wasiir Buuxa lama siiyo oo wasiir-ku-xigeenno ayaa la siiyaa, wasiirradana inta waaweyn baa la siiyaa.”

Maxamed Xaashi  waxa uu intaas ku daray, “Shirkii SNM Jigjiga ku yeelatay ee Axmed Siilaanyo Lagu doortay waxan ahaa Ninkii keli ahaa ee diiday, Haddana waxan Noqday Kii uu Ugu Hor Magacaabay, markii aan Meeshii Hagaajiyey ee aan Dayntii ka bixiyey, ayuu sidii haatanba dhacday uu xilkii iga qaaday. Markaa imana magacaabi waayo kumana raago.” Ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi

 

Comments are closed