|

Dhaqan Yaab Leh Oo Koox Abaabulani Kala Hortageen Masuuliyiin Ka Tirsan WADDANI Iyo Sunnaha Foosha Xun Ee Ka Dhalan Kara DAAWO

Gebiley 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Waxa kamaradaha ka soo baxay koox dhalinyarro ah oo si abaabulan kabo ugu taagay masuuliyiin ka socday xisbiga WADDANI oo socdaal ay xafiis ku furanayeen ku tagay magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, balse wadada dhinaceeda loogu diyaariyay dad calanka xisbiga WADDANI ugu jeeni qaaray ey, isla markaana kabo u taagay saraakiishii xisbiga WADDANI.

12313560_624142257724969_1740646101401682483_nKooxdan kabaha u taagtay weftiga Waddani oo uu Hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee xisbigaasi Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Aadan Ruush, Faadumo Siciid  iyo xubno kale, waxa facaa’ilkii ay sameeyeen shakhsiyaadkaasi ka muuqatay in si siyaasi ah loo soo abaabulay, iyadoo aanay jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday.

Muxuu Soo Kordhin Karaa Dhaqankan Cunfiga ahi

Haddaba dhaqankan cusub ayaa jidayn kara sunne fool xun oo xisbiyadda oo dhan lagu wada samayn karo haddii aan tallaabo sharci ah laga qaadin shakhsiyaadkii kamaradaha isku dhigayay ee taayiradda ku gubayay wadada hareeraheeda iyadoo ay ku hadaaqayeen hal-ku dhigyo ay ku aflagaadeynayaan xisbiga WADDANI oo sifo sharci ah dalka uga dhisan.

Xiligii uu Socday Ololihii Doorashada Madaxtooyadda ayaa Dhallinyaro Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye oo Markaas Mucaarid ahaa ayaa Degmada Sheekh Waxay ka Sameeyeen inay Dameer u Xidhaan Astaanta Xisbigii Burburay ee Udub,Waxaana Arrintaas Digniin adag ka soo Saaray Xeer Beegtidii Dusha kala Socotay Nidaamka Anshaxa Doorashadda.

Comments are closed