DHAQAMADII DIKTEETARKA WEEYAN IN SAXAAFADA LA CABUDHIYA , ARINTA WEBSITE YADA HAWADA LAGAGA SAARAYANA WA AYAAN DARO INAGU CUSUB !
Aan ku bilaabe tan iyo in-mudaaba waxa soo kordhaayay dhaliilo siyaasaded Iyo qaar MUSUQMASUQ oo saxaafada madaxa banaani ka diyaarinaysay maamulka hada talada somaliland haya ! waxase taa badalkeedii ay xukuumadu ku dhaqaaqday falal ay ku xidhayso saxaafada madaxa banaan ee dalkani leeyahay , waxase xadhiga dheera hagar daamooyin kale oo badan hadanse tusaale midi ugu darnayd uguna foosha xumayd uso qaato waa kiiski weerarka hubaysan aha ee lagula kacay Madaxda Jariiradii Hubaal , Gaar ahaana Maxamed Axmed Jama Calooley !
Hadaba Hadan Intaa kuso dhaafo falalka anshaxa maamul wanaaga ku xun ee xukuumadani ku talaabsatay waa mid dad badan oo muwaadiniini qabaan inay tahay dhaqamada DIKTEETARKA , in la cabudhiyo saxaafada amaba in gacan ka hadal loola tago cid sir fashilisay ama aragti shaqsiya gudbisay , waase mid an odhan karo hada waaka dhaqan ama waaba wax nolol maalmeedka dadka somaliland ka mid noqday mudadii SIILAANYO XUKUMAYAY !
Hadanse inta soo dhaafo cabudhinta saxaafadu waxay martay marxalado kala duwan tusaale ahaan waxa dowladihi kala danbeeyay ee somaliland gaar ahaana maamulki xiligi DAAHIR RIYAALE ay so rogeen inan dalka wax IDAACADI ka howl gali karin , waxase marka mucaarad aha Xisbiga kulmiye oo AHMED SIILAANYO Oday u yahay Ahmed wuxu dalke keenay Idaacad ku hadasha afka KULMIYE oo aan in badan dhagaystay guud ahaana ku hadli jirtay luqad aad u qadhaadh una ad adag ! gaadhayna ila heer wax lagaga sheego Madaxweynihi xiliga si nasabiyada iyo si aqooneedba iyado ahayd shaqsiyad weerar cad , ragii waaga ka howl gali jirayna waakuwa manta qarankan hogaamiya !
Ahmed Siilaanyo Markii uu soo baxay ee uu dalka qabsaday waxa guud ahaanba is badalay fikirkiisi uu ka qabay saxaafada xorta iyado an odhan karo wuxu mar labaad ilaaliyay danaha KURSIGA uu ku fadhiyo Mudane Ahmed Siilaanyo waxa Isaga iyo maamulkiisuba u diideen dad badan oo damcay inay furtaan Idaacad Madax Banaan Oo dalka ka howl gasha iyago taako u dhigaya ah inan xeerkii lagu maamuli laha Idaacaduhu aanu wali dhaqan galin . Iskuso wada duubo is badalka ficilka ah ee ku dhacay Aragtidii Hogaamiyihi Aragtida Dheer a Ee Kulmiye Ka Hor Kursigiisu waa mid awalba dad badani filaayay madama Madaxda AFRICAN ka dhaqankodu marka horeba ku salaysan yahay Noqo MUCAARAD HADAL BADAN Kuna gaadh MAXAAFID AAMUS BADAN .
Hadanse inta ugaso gudbo heerka labaad ee saxaafada gaar ahaana Journals ka waxan odhan kara waxay ahaayeen isha qudha ee dadka gudaha intooda an Technology la haysani ka heli jireen wararka qaranka , waxase taa lafteedi hada la gaadhay in xukuumadu guud ahaan Journals ka ay iyadu saamayn dhaba ku yeelato qaarna ay furataba cusub sida ka saaxiibkay Inanki Ganacsiga ka shaqayn jiray wa Muniire uu hada ka madaxda yahay SOMALILANDTODAY , Iyado Qaar kalo badana ay leeyihin rag xukuumada kuraas sare kaga jira ! dhamaan talaabooyinkaasi waa kuwo daliil toosa u ah in an saxaafadu madax banaanayn , midh midhki ka hor yimina waxad la socotan in fiid cad rasaas laguso weeraray sida HUBAAL , aan ku dare hadadana uu xidhan yahay HAATUF laftiisu oo ah Mid ka mida kuwa ugu cimriga dheer saxaafada Somaliland .
Waxan Inta Ugaso Gudbaya Arin Maanta UGUBA waana ta ah In Website-yadii Hawada laga saaro , website yadu waa Isha qudha ee an odhan karo dhaman somalilander ka dunida ku kala nooli waa meesha ay ku xidhan yihiin 98% , kana helaan wararka iyo afkaarta ku salaysan fikirka xorta ee muwaadinka , waxase ayaan dara talaabooyinka hada cusub ee an arkayno sida in warqad loo geeyo Shirkadaha Isgaadhsiinta ee wadanka waa SOMTEL iyo TELESOM laguna amro inay hawada ka saaran ama Baan saaran Website-yo cayiman . arintaasi wa ayaan daro qaranka ku cusub waxana dhawaan ad arki doontaan iyado hawada laga wayay website-yo badan hadaan arintan hada si dhaba looga hadal .
Inta hadan soo dhaafo Waxa jirta hal Saxaafad oo anan hada ku xusin qoraalkayga waana saxaafada nooceeda TV-yada ah oo an guud ahaan dhaliil baahsan u dirayo gaar ahaana kuwooda waawayn oo noqday qaar danahooda ka horaysiiya danaha Umada iyo Qaranka madama ay guud ahaan isu dhiibeen Xukuumada Somaliland ka talisa iyago dano gaara eeganaya ! sida TV- anan jeclayn inan xuso oo shaqaalihiisa ku erya HEBEL baad la hadashay iyo Warki XISBIGA MUCAARADKA maxad usii daysay ! waa ayaan daro waase mid anan manta xusayn ee malinteeda leh !
Waxan Hadalkayga oo dheeraaday kuso gunaanadaya laba fariimood oo an u kala dirayo SAXAAFADA IYO XUKUUMADA Haatan Ee AHMED SIILAANYAHA cusubi hogaamiyo ! Waxan leeyahay Saxaafada hal kalmad oo ah WAAR HOY INTA DIBIGA CAD LA GOWRACAYO HA DAAWAN EE KA DAGAALAN KA CASNA WAA KU XIGAAYE , Xukuumadana Waxan Leeyahay XAAJI AHMEDOW MADAXWEYNE SHANTU KUGU FILAN NIN WAYNO QARANKA TAARIIKH KU LEHNA WAD TAHAY EE TAARIIKH-dii HORE YAAN DANBAS LAGU DUL QUBIN IIBGAYN KARI MAYNO HADII KALEE !
From : Mohamed Ahmed
Vice/Chair/UCID Youth
036-4436369