|

“Dhaqaalihi dalkana waxa qaybsaday Maato iyo caruur ku xeeran madaxtooyada, dadkii kale ee cashuurta laga qaadayey ee suuqa fadhiyey ee agoomaha ahaa ee ragoodii…..”Guuleed Daahir Samatar

Burco:Jan,05,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, ayaa si weyn u naqdiyey Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo Hannaankeeda maamul.

samatarGuuleed oo saxaafadda shalay kula Hadlay Magaalada Burco, ayaa sheegay inaanay xukuumaddu qabanin wixii xaqa loogu lahaa ee ay ahayd inay shacabka u qabato, isagoo intaas ku daray inay sheegashada wax aan jirin ay xukuumadda siilaanyo caado ka dhigatay.

Guuleeda, ayaa tilmaamay inay dhaqaalihii dalka ay iska daldasheen Dad si gaar ah loo naas nuujiyo, iyadoo dadkii waxaas xaqa u lahaana macaluul iyo walbahaar badan weli deris la yihiin,

“Maanta waxan doonayaa inaaan u sheego shacabka somaliland Gobollada laftoodu dhammaantood way wada dulman yihiin, waxana nasiib darro ah niman aan khajilaynin oo Guulwadaynaya ayaa meel walba waxay la taagan yihiin waxqaad dawladeed, wax ay qabteenna m ajirto, dhaqaalihi dalkana waxa qaybsaday Maato iyo caruur ku xeeran madaxtooyada, dadkii kale ee cashuurta laga qaadayey ee suuqa fadhiyey ee agoomaha ahaa ee ragoodii kusoo dhinteen halkan, waa dambaska.” Ayuu yidhi Guuleed.

Guuled Daahir waxa uu intaas ku daray in dhammaanba Goobaha waxbarashada ee dalka laga qaado lacag, isla-markaana aanay waxba ka jirin hadalkii xukuumadda ee ahaa inay bilaasha ka dhigeen waxbarashada, waxana uu yidh,

“Waxan ay leeyihiin iskuulo ayaa laga daayey lacag, sidiibaase looga qaadaa, maanta oo imtixaankii la gelayeyna waxaynu markhaati ka ahayn inta qof ee aanu la kulanay ee laga soo eryey iskuulka ee lacagtii lagu soo eryey.”

Guuleed, ayaa shacabka ugu baaqay inay fartooda ku beddelaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo sidoo kale soo jeediyey inaan la bixin wax cashuur ah, maadaama aan waxba loogu qabanaynin midda haatan laga qaado, waxana uu yidh,

“Dadweynuhu way dulman yihiine, waxaynu leenahay waa inaynu Dawladd Siilaanyo ku khasabnaa inay qabtaan doorashada xilligii loogu talo galay oo aanay Kulmiye iyo dadka wataa inagu soo bixin oo aynu farteena ku ciil baxnaa, waar haddaan waxba lagu qabanayn waxba yaan La bixinin cashuurta oo yaan lacag la siin, oo yaan la aqbalin.”

 

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed