Dhaqaalaha Somaliland Waxaa Kaalinta 3aad ka Galay Xabkaha iyo Faleenka Warbixin Xiiso leh
Hargaysa 11.Aug 2014 (SDN/QJ)- Kulan lagu soo bandhigay heerka uu soo gaadhay iyo Buugga Warbixin laga diyaariyey Mashruuc tijaabo ahaa oo uu Maal-geliyey Baanka Adduunka oo lagu horumarinayey wax-soo-saarka iyo Suuq-geynta Xabkaha iyo Faleenka Somaliland oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa lagu shaaciyey in Xabkaha iyo Faleenku kaalinta saddexaad kaga jiraan Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Madaxa Shirkadda SEFRECO, Guddiga Horumarinta Xabkaha iyo Faleenka Somaliland, Saraakiil ka socday Baanka Adduunka, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale, ayaa ka qaybgalay kulankaas oo Axaddii Maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana lagaga hadlay horumarinta wax-soo-saarka iyo Suuq-geynta Xabkaha iyo Faleenka kala duwan ee Somaliland. Mashruucaas oo dhammaadkiisu ku eg-yahay 15-ka bishan aynu ku jirno ayay ka wada-shaqaynayeen Wasaaradaha Deegaanka, Ganacsiga iyo Shirkadda SEFRECO oo fadhigeedu yahay dalka Faransiiska.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo kulankaa ka hadashay, ayaa sheegtay inay muddo laba sano ah laga shaqaynayey Xabkaha iyo Faleemka, waxaanay Wasiirku tidhi; “Muddo laba sannadood oo buuxa ah, ayaa laga shaqaynayey Xabkaha iyo Faleemka, Shaqadaa laga shaqaynaayey marba heer bay taagnayd, sannadkii hore waxay ahayd labadayada Wasaaradood (Deegaanka iyo Ganacsiga) ayaa ka wada shaqaynaayey. Qaybta aannagu aannu shaqada ku leenahay waxay ahayd qaybta Kaymaha iyo qaybta Ganacsiga ee ay Wasaaradda Ganacsigu ku shaqo leedahay.”
“Sannadkii hore waxa lagu sameeyey qiimayn bal halka la marayo oo ay nagala shaqaynaysay Hay’adda SEFRECO oo maanta uu halkan innala joogo Madixii Hay’addaas oo ka yimi dalka Faransiiska, sannadkii labaad oo halkii laga sii amboqaaday oo isna uu dhammaanayo bishan aynu ku jirno ee August 15-keeda oo aannu hawl badan isagana soo qabannay, ayaa maanta waxaannu halkan ku soo bandhigaynaa haddii ALLAAH yidhaahdo Warbxin laga qoray Xabkaha iyo Faleemka oo ku saabsan halkaynu hore uga soconaynaa halkan aynu labadan sannadood soo gaadhnay, waxaanu Buugga Warbixixntaasi xambaarsan yahay Nuxur wayn, waa Buuggii na hagaayey, waa Buugga aannu ka duuli doonno, waana Dhukumenti bilaw ah oo labadayada Wasaarood-ba yool noo noqon doona.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.
Waxay Wasiirku intaas ku dartay inay hawshaa ay labada sano soo wadeen ee Xabkaha iyo Faleemka ay kala qayb-qaateen Hay’adda ay kor ku xustay iyo Guddiga Xabkaha iyo Faleemka loo sameeyey oo ay Wasiirku tilmaantay inay door weyn ka qaateen hirgelinta Buuggan Warbixinta labadaa sano iyo halka looga sii soconayo lagu soo koobay, waxay sidoo kale sheegtay Wasiirku inay Wasaarado kala duwan oo ay Wasaaradda Qorshaynta Qaranku ka mid tahay kala qayb-qaateen dedaalka ay u galeen horumarinta Xabkaha iyo Faleemka oo ay sheegtay inay yihiin wax wayn oo muhiim u ah Dhaqaalaha dalka iyo dadka, maaddaama oo ay Somaliland Hodan ku tahay Dhirta Xabkaha iyo Faleemka keena ama dhala, balse aanay hore Bulshadu u fahamsanayn.
Wasiir Shugri waxay sheegtay in Xabkaha iyo Faleenku dhaqaalaha Somaliland ay kaga jiraan kaalinta saddexaad, keliyana ay ka horreeyaan Xoolaha Nool, Hargaha iyo Saamaha, sidaa awgeedna in loo soo jeesto oo laga faa’iidaysto, dawlad ahaan-na ay ka go’an tahay horumarinta Xabkaha iyo Faleenka, iyada oo Baanka Adduunkana uga mahad-celisay Maal-gelinta Mashruucan labada sano socday oo Tijaabo ahaa, balse hadda uu tijaabadii ka baxay loona baahan yahay in uu Mashruuc kaa tijaabada ah ka ballaadhan inuu hadda abuuro ama bilaabo.
Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim, ayaa isaguna kulankaas ka hadlay, waxaanu sheegay, inuu Wasiir ahaan soo dhawaynayo hawsha fiican ee ay wada-qabteen labada Wasaaradood, gaar ahaanna inta badan ay qabatay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Somaliland, taasoo uu xusay inay wax dhaxal-gal ah oo u baahan in lagu dhaqmo, lana sii kaabo ay samaysay, balse ay muhiim tahay inaan la is-dhigan ee dedaalka la laban-laabo, higsigana aan la soo koobin ee la fogeeyo.
“Wasaaradda Ganacsigu qaybta ay ku leedahay siday Wasiir Shugri u sheegtay waa marka wax-soo-saarku dhaco ee Xabkaha iyo Faleenka la soo guro iib-geynteeda iyo suuq-geynteeda ayay ku shaqo leedahay. Markaa, anigu waxaan qabaa, Suuq-geynta wuxu yimaaddaa, marka wax soo saar la sameeyo, si taa loo helo waa in wax-soo-saarka culayska la saaro oo Geedkii la badbaadiyo, oo culayska ugu wayn labadayada Wasaaradoodba aan isugu geyno geedka iyo Kaynta in la tago, ka dibna markaynu tirada iyo tayada wax-soo-saar iyo badbaadada Geedka aynu hubinno, ayaynu iibka iyo Suuq u heliddeedana tahay inaynu is-weydiinno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim.
Wasiirka Ganacsigu waxa uu sheegay in Khayraadka Xabkaha iyo Faleenka uu Somaliland ugu deeqay uu yahay mid ay dalalka caalamka intooda badan dheer tahay, isla markaana dalalka Xabagta Somaliland ka baxdaa mid ku dhawi ka baxdo dalka Cumaan, hase ahaatee, ay ta dalkeenna ku taalla ama ka baxdaa ka tiro iyo tayo-ba badan tahay. “Labadayada Wasaaradood (Deegaanka iyo Ganacsiga) waxaannu heshiis ku nahay in aannu culayska ugu weyn saarno sidii ay Xabagtu u noqon lahayd waxa saddexaad ee aynu dhoofinno ee dhaqaale innaga soo galo iyo in dadku Shaqo ka helo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Qaasim, waxaanu sheegay inay horumarinta Xabkaha iyo Faleenku yihiin wax qaali ah oo u baahan in wada-jir loogu dedaalo, isla markaana ay ka go’an tahay in guul laga gaadho mustaqbalka dhaw.
Nagiib Xasan Xaashi oo ka mid ah Saraakiisha Sarsare ee Baanka Adduunka u jooga Somaliland, ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan Mashruucan tijaabada ah ee Baanka Adduunkuk maal-geliyey ee Wax-soo-saarka iyo horumarinta Xabkaha iyo Faleenka Somaliland oo uu xusay inuu meel fiican soo gaadhay, waxaanu sheegay in Baanka Adduunku sii wadi doono wada-shaqaynta iyo taageerada uu ka geysanayo in meel sare la gaadhsiiyo horumarinta wax-soo-saarka iyo iib-geynta Xabkaha iyo Faleenka Somaliland.
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Madaxa Shirkadda SEFRECO ee fadhigeedu yahay waddanka Faransiiska, kuwaasoo iyaguna sheegay in hawshan horumarinta Xabkaha iyo Faleenka Somaliland ay hadda meel fiican marayso, isla markaana ay u baahan tahay in dedaalka loo galay in halkan la soo gaadhsiiyo la sii laban-laabo, si ay u buuxiso kaalinta saddexaad ee ay dhaqaalaha dalka iyo dadka Somaliland kaga jirto, iyagoo ammaanay dedaalka ay muujiyeen Wasaaradaha Deegaanka iyo Ganacsiga Somaliland. Waxaanay intaas ku dareen in loo baahan yahay in dad si gaar ah loogu tabobbaro Xirfadda Xabkaha iyo Faleenka, si loo kordhiyo wax-soo-saarka Xabkaha, Faleenka, dhawridda iyo korinta Dhirta.
Gebo-gabadii waxa halkaas la isku weydiiyey Su’aalo kala duwan oo ku saabsan Mashuurcan, halka uu marayo, heerka la higsanayo in la gaadhsiiyo iyo sida lagu gaadhi karo meel meesha uu hadda marayo ka fiican in la gaadhsiiyo Mashruucan, su’aalahaas oo jawaabohooda iyo falanqayntoodu qayb ka ahayd kulankaas kulankaas. Waxaana Mashruucaas ka sokow Baanka Adduunka Maal-gelintiisa ka qayb-qaatay DFID iyo DANIDA, waxaana Mashruucaas fulisay oo Lacagtaasi soo martay SOFRECO.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com