Dhaq Dhaqaaqii Ganacsi ee Dekeda Berbera oo La Sheegay inuu Hoos u Dhacay,Cabashada Ganacstada Iyo Aamusnida Xukuumadda
Berbera 26. June 2017 (SDN/QJ Dekedda magaalo xeebeedka Berbera ayaa maalmahii ugu dambeeyay adeegeedii shaqo hoos u dhacay waxaan is dul hogaya gaadiid farabadan iyo dharkii loogu tallo galay ciida oo qaarkood aanay dakadda soo dhaafin.
Dhinaca kale waxaa dakadda taagan maraakiib dhowra kuwaas oo meel ay ku soo xidhaan la,a.
Masuuliyiintii dekeda Berbera ee dhanka Somaliland ayaa iyagu indhaha ka qarsan oo aan marna ka hadal culayskan iyo ku rarankan hadheeyay dekeda Magaalo Xeebeedka Berbera.
Ganacsatadda qaar ayaa ku cabanaysa in dharkii ay ugu talo galeen Ciidul-fadriga dakadda uu kaga habsaamay ka dib markii ay waayeen adeeg hufan,
Halkan iyaguna ay gaadiid tiro badani ay dhexyaalaan dakadda,
Dekedda Berbera ayaa tan iyo intii lagu wareejiyay Imaaraatka Carabta waxaa ka soo baxayay cabasho xoogan oo dhanka adeega ah, mana jirto wali wax ay ku soo kordhisay shirkada D.P world ee lagu wareejiyay, Marka laga reebo qalab Kooban oo ay sheegeen inaanu dhamaystirnayn.
Xukumadda madaxwayne siilaayo ayaa aan la socon dhaq-dhaqaaqa ka socda halkaasi.
Lama garanayo waxaa ay Imaaraatka Carabtu ay u fulin waayeen dayactirkii ay balan-qaadeen in ay ku samaynayaan dakadda.