Dhammaanba Masuuliyiintii Dawladda Federalka u Joogay Degmada Afgooye Oo Xilalkii Laga Qaaday iyo Kuwo Cusub oo La Magacaabay
Muqdisho:28-March-2014 (SDN)-Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii loga xayuubiyay dhammaan masuuliyiintii mamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Wareegtadan xil ka qaadista ah ayaa waxaa ay ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya mudane C/laahi Goodax Barre.
Waxa lagu sheegay Wareegtadan in Madaxdii haysay maamulka degmada Afgooye meesha laga saaray kadibna kuwa cusub la magacaabay.
Wareegtada ayaa lagu xusay in loo baahan yahay mar walba isbedal inuu dhaco si looga dhabeeyo himilooyinka ay xukuumadda Dr. C/wali Sheekh leedahay.
Masuuliyiintii xilalka laga qaaday waxa ay kala yihiin:-
C/laahi Iideey oo ahaa guddoomiyihii degmada Afgooye
Ku xigeenkiisa Mahdi Axmed Xasan
C/laahi Toogare oo ahaa Taliyihii ciidamada deegaanka
Macalow oo ahaa madaxii arrimaha bulshada ee Afgooye
Nuuradiin Shukri oo ahaa masuulkii qaabilsanaa Dowladda hoose
Isla Wareegtadan ayaa Xubno Cusub loogu Magacaabay Xilalka Bannaanaaday, waxana Xaaji Gaabow loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha degmada Afgooye, ku xigeenkana waxaa loo magacaabay Xuseen Jabriil, Arrimaha bulshada waxaa laga dhigay Ismaaciil Carab.
Isbeddelkan marka kaliya la is raaciyey Masuuliyiintan Tirada badan, ayaa Dadka shacabka ahi ku sheegeen inuu muujinayo in Deegaankaasi guud ahaanba u baahday in si weyn wax looga Beddelo, iyadoo Haatan ka horna ay cabashadau si weyn ugu badnayd
S.D.N