|

Dhamaanba Waddooyinka ku Dhaw Madaxtooyada Somalia oo Ciidamo Gaar ah La Dhoobay iyo Gaadiidka Gaashaaman Oo Isgoysyada Lagu Gooyey

Muqdisho:July,28,2014(SDN/QJ)-Waxa Saaka dhamaanba Isgoysyada iyo Waddooyinka kala duwan ee Madaxtooyada Somalia soo gala iyo waliba Irrida Hore ee Aqalkaas lagu arkayaa ciimada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Alpha Group-ka, kuwaas oo heegan sare ku jira.

alphaCiidamadan waxaa wehlinaya oo la jooga Ciidanka Koofiyad-casta loo yaqaan ee sida gaarka u tababaran iyo  ciidan Booliis ah, kuwaasi oo iska kaashanayaa sugidda ammaanka Madaxtooyada ilaa Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho.

Laga soo bilaabo Isgoyska Sayidka ilaa Albaabka koowaad ee laga galo Madaxtooyada waxaa ku go’an gaadiidka gaashaaman ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada Amisom gaadiidkooda lagu gooyay dhanka wadada ka timaado Dabka ee sida toos usoo gasha Sayidka.

Majiro dhaq-dhaqaaq gaadiid oo halkaasi ka socda oo xitaa ciidamada waxa ay diideen in si lug ah halkaasi lagu maro, iyadoo sidoo kale albaabka koowaad ee laga galo masjidka Isbaheysiga lagu jaray gaadhi noociisa uu yahay Cabdi Bilaha ama 4.5-ka ciidamadu ay isticmaalaan.

Waxaa si aad ah loo baadhayaa dadka galaya masaajidka Isbaheysiga oo waxaa lagu baadhayaa qalabka soo saara waxyaabaha qarxa iyo wax waliba oo bir ah, waxaana Masaajidka afaafkiisa hore ku sugan ciidamada Miino baadhista Dowladda.

Amuurahan ayaa looga gol leeyahay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya si nabad ah salaada ciida ugu tukadaan Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo madaxda ciid waliba shacabka ay kula dukadaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed