Dhallinyaro Taageersan Xisbiga Waddani oo Mudaharaad Rabshado wata ka Dhigay Magaaladda Burco DAAWO
Burco 16. November 2017 (SDN/QJ ):-Qaar Ka Mida Dhalinyaada Tabacsan Xisbiga Mucaadka Ee Wadani Ee Magalada Burco Ayaa Mudaharad Ka Sameeyay Qaar Ka Mida Wadooyinka Magalada Burco.
Mudaharadkani Oo Mar Dhawayd Bilaabmatay Ayaa Dabada Ku Hayaa Saluug Ay Tageayshani Ka Tabeen Natiijada Doorashada Oo Aaan Wali La Shaacin Ka Dib Markii Ay Xubnihii Xisbiga Wadani U Qaabilsanaa Komishanka Doorashooyinka Ay Tageerayashooda Warbaahinta U Mariyeen In Cabashadoodi Wax Laga Qaban Wayay Oo Ay Joojiyeen Wadashaqayntii Ay Lalahayeen Komishanka,
Dhalinyaradani Mudaharadaayay Ayaa Gubay Taayiro Iyo Isla Markaana Shiiday Goobaha Ganacsiga Oo Sababay In Hal mar Loo Laabo Albaabada Gobaahahisi Waxa La Maqlaya Dhawaqa Rasaasta Oo Ciidanka Boolisku Ku Kale Eeryayaan Dhalinyarada
Mudaharadkani Ayaan La Garanaynin Khasaraha Ka Dhashay Marka Laga Tago Gadiid Badan Oo Dhulka Laga Dhigay Muraayadiihi Ku Xidhnaa ,Wali Lama Garanayo Khasaaraha Nafeed Ee Ka Dhashay.
Geesta Kale Xaafadda New Hargaysa ee Caasimadda Somaliland ayaa wararku sheegayaan inay isugu soo baxeen dad ka Cadhaysan in Komiishanka Doorashooyinku aanu tixgelin Cabashadii Xisbiga Waddani u Gudbiyey.
Ciidanka Booliska ayay Wararku sheegayaan inay kala eryeen Dhallinyarada Mudaharaadka samaysay.