Dhallinyaro Somaliyed Oo Laga Sii Daayey Jeelasha Malta Oo ay Kufsi Ugu Xidhnaayeen
Malta:May,31,2014(SDN/QJ)-Waxa Dalka Malta Xabsiyo ku yaalla laga sii daayey Tiro Dhallinyaro Soomaaliyeed oo u xidhnaa Falal La Xidhiidha kufsi.
Soomaalidan ayaa muddo u xidhnaa kiiskan, walina lama Hayo Tiro rasmi ah oo ay yihiin, Balse Qaar ka mid ah ayaa Magacyadooda lagu sheegay Cumar Osman iyo Anwar Osman Hassan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dhallinyaradan oo muddo xidhnaa markii lagu waayey wixii ay ku eedaysnaayeen mid walba la siiyey Lacag dhan 450 lacagta Euro ah, taas oo loogu talo galay xaal-marin.
Labada Dhibane, waxaa sannadkii 2007-dii la soo taagay Maxkamad, kadib, markii ay haweeney u dhalatay dalka Malta ku soo oogtay inay afar nin ku kufsadeen Xarunta Qaxootiga ee The Marsa Open Center waaberigii hore ee bishii March 19-dii ee sannadkii 2007-dii.
Sidoo kale, waxaa isla malta ku xidhan dhalinyaro kale oo iyaguna ku eedeysan falal kala duwan gaar ahaan Kufsi iyo dhac, waxaana weli go’aan rasmi ah arrintaasi ka gaadhin Maxkamada.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com