|

Dhallinyaro Reer Gebilay ah oo dabka qabadsiiyay Calanka Xisbiga Kulmiye,Maxaa Sababay? DAAWO

Gebilay 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Axsaabta Mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani ayaa Badhtamihii Bishan October waxay Magaalada Gebilay ku qabteen Munaasibado ay u sameeyeen Taageerayaal la sheegay inay ka soo digo rogteen Xisbiga Kulmiye.

Hasa yeeshee Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ayaa isagu waxa uu Shalay Magaalada Gebilay ku qabtay Kulan uu Nuxurkiisu ahaa inay Xukuumada u Muujiyaan Taageerada ay u hayaan, balse waxaa  Waxaa dareenkaas bedelay kadib Markii Huteelkii Xaflada lagu qabanayay hortiisa ay dhallinyaro gadoodsani dabka qabadsiiyeen Calanka Xisbiga Kulmiye,halka ay kuwo kalen ka jeex jeexeen .

Gebilay SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed