Dhallinyaro Kusoo Jeeday Magaalada Muqdisho Oo Laga Reebay Diyaarad Ay Soo Raaci Lahaayeen & Sababta Keentay
Nairobi 04. July 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho laga reebay Diyaarad ay soo raaci rabeen oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho.
Dhalinyaradan Diyaarada laga reebay oo gaaraya ilaa shan qof ayaa qaarkood la sheegay in ay ka yimaadeen Wadamada Yurub waxaa ayna kusoo jeedeen magaalada Muqdisho oo la sheegay in ay joogaan eheladooda oo mudo kala maqnaayeen.
Ciidamada amaanka garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta oo ka shakiyay dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa kala haray diyaaradii ay usoo raaci lahaayeen magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada ku wadaan dhalinyradaan baaritaano.
Diyaarada laga reebay dhalinyaradan Soomaaliyeed ee kusoo jeeday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay la socdeen masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka Kenya oo ku aadan dhalinyaradan Nairobi lagu xanibay.