|

Dhallinyaro ka Gadooday Garoonka Kubada Cagta ee Xarunta Agoomaha ee Hargaysa oo lagu Wareejiyay Turkiga iyo Wadooyin ay Xidheen DAAWO

Hargaysa 15.Dec 2014 (SDN/QJ)- Garoonka Kubada Cagta ee Dhalinta, gaar ahaan Garoonka gaarka u ah Carruurta Agoomaha ah, ee Dhalinta, ayaa laga baabiyey Garoonkii ay ku ciyaari jireen, iyada oo lagu wareejiyey Turki.

Caruurtan Agoomaha ah ee ku jira Xarunta Agoomaha ah ee Hargeysa, ayaa waxa ay sheegeen in dulmi iyo xaq daro lagu sameeyey, isla markaana Garoonkii qudha ee ay ku ciyaarayeen xoogaga lagaga wareejiyey, isla markaana lagu wareejiyey Turki, si looga dhigo goob Ganacsi.

Xamse Cali Yuusuf, oo isagu ka mid ah Carruurta ku jirta Xarunta Agoomaha ee Hargeysa, ee lagu wareejiyey Turkiga, ayaa sheegay in niyad jab lagu riday, oo Garoonkii qudha ee ay ku ciyaari jireen laga wareejiyey, oo Garoon ay hadda ku ciyaaraan aanu jirin,

Comments are closed