|

Dhallinyaradan Oo Iskood Isu Soo Abaabulay Ayaa Taageero Mug Leg La Barbar Joogsaday Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Xisbiga WADDANI

Hargaysa 17.October 2016 (SDN/QJ):- Dhalinyarrada aqoonyahanka ah ee Beesha Solomadow oo kamid ah beelaha Habarjeclo, ayaa kulan ay iyagu iskood isu soo abaabuleen oo Hargaysa ka dhacay, waxay tageero hiil ah ugu mujiyeen Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan.

Kulankan oo ka dhacay Huteelka Obama, ee Magaala Hargaysa waxay dhalinyaradaasi ku muujiyeen siday ula dhacsan yihiin fikirka xorta ah ee ku dhisan wax ku doorashada wanaaga iyo samaanta.

Xubaha kulankaas soo qaban qabiyay ayaa ka hadlay sababta ugu weyn ee ay tageerada ugu mujiyeen Hoggaamiye Xirsi Cali Xaji Xasan, iyagoo sheegay inay noqonayaan  dhalinyaradii ugu horeysay ee si iskood ah intay isu soo abaabulaan tageero la garab is taaga Xirsi iyo fikirka WADDANI.

Waxay tilmaameen inay ku qanceen rabitaanka xorta ah ee Xirsi Cali Xaji Xasan soo bandhigay, kaas oo ah inay dhalinayaradu ka tashadaan ayahooda qablaayadna aanay waxba ku dooranin.

Geesta kale Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo isna kulankaas ka hadlay ayaa u mahad naqay dhalinyaradda soo abaabushay kulanka ay tageerada ugu mujiyeen, waxaana hadaladiisi kamid ahaa. “Aadban idinku mahad celinayaa idinkoo ah labeentii waddanka, way qiimo badantahay marka qofku isagu isa soo abaabulo oo wixii uu sax u arkaayo is barbar taago, anigu Dawladda Axmed Siilaanyo Mucaarid kuma ihi sidaan marar hore sheegay, waa Xukuumaddii aan shalay dhisaayay waxaynu-se isu kaashanaynaa in aynu wanaag iyo fikir xor ah wax ku doorano Siilaanyo dabadii, iyadoo aan cidna la khasbayn idinkaa go’aanka leh idinka ayaa ayihiina ka tashanaaya qabyaalad iyo naxli wax lagu doorto wanaag iyo samaan ka dhalan mayaan.” Sidaa waxa yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI .

 

Gebo gebadii kulankaas waxay dhalinyaraddii aqoonyahnka ahayd ee ka soo qayb gashay ku ballan qaaden inay hiil iyo garaba la barbar taaganyihiin Xirsi Cali Xaji Xasan.

000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000 0000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000 0000000000000000000000000000000000000000000000000000000000 0000000000000000000000000000000000000000000000000 00000000000000000000000000000000000000000000 000000000000000000000000000000000000000000

Comments are closed