“Dhallinyarada Qurbaha KaTimid Waa Kuwo Ugu Badan Ee Soomaaliya Isku Qarxiya,’’ Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya
Muqdisho,19Dec,2015(QJ/SDN)-Taliyaha nabad-sugidda iyo Sir-doonka Somalia, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare ayaa sheegay in dhallinyarada isku qarxiya Somalia ay intooda badan ka yimaadeen dalalka dibadda ama qurbaha.
Sidoo kale, Jen. Tuur-yare ayaa ku baaqay in laga hortago dhallinyarada lacagaha u soo dira Al-shabaab iyo kuwa ku guubaabinaya inay Somalia yimaadaan oo Al-shabaab ay ku biiraan, kaddibna is-qarxiyaan.
“Dhallinyarada qurbaha ka timid waa kuwo ugu badan ee Somalia isku qarxiya, dadka dibadaha ku nool waxaan ku boorrinayaa inay iska diidaan in goobaha inta badan looga sheego inay Al-shabaab ku biiraan,” ayuu yidhi Jen. Tuur-yare.
Taliyaha Nabadsugidda Qaranka ayaa hadalkiisa ku daray in dhallinyarada aanan lagu qaldin baraha ay bulshadu isticmaasho, si looga hortago in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu boorriyo inay argagaxisada ku biiraan.
“Al-shabaab waa tabar-darreysay, dagaalkoodana wuxuu kusoo haray gaadhi is-qarxinaya iyo qof is-qarxinaya, illaa intee ayay sii wadi karaan ayayna tahay is-weydiinta, ma sii wadi karaan waligood, mise maya?” ayuu is-weydiiyay Jen. Tuur-yare.
Ugu dambeyntii, dhallinyaro qurbaha ka timid ayaa u dagaalama Al-shabaab, waxaana ay ka qayb-qaateen weerarro iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo gobollo dalka ka tirsan.