Dhallinyarada Muqdisho Oo Soo Dhaweeyay Olole Qaad-joojin Ah Oo Nin Hore Hargeysa Loogu Xidhay Ka Bilaabay
Muqdisho 26.May 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayaa Olole loogu Magac-daray (Qaad-diid), kaasi oo Toddobaadkan ka Socda halkaasi.
Ololahan oo ah mid hore ugu soo Guuleystay dalka Ingiriiska ayaa sannadkii lasoo dhaafay ka billaabay gudaha Somalia, waxaan muuqda guulo laga gaadhayo Qorshaha laga leeyahay oo ah in Dadka cuna qaadku iska daayaan isla-markaana laga Mabnuuco Soomaaliya.
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay sheegay in Qaadka la joojin doono, marka hore’se la yareyn doono, iyadoo baaqa Madaxweynaha uu imanayo xili kala-guur ah oo lagu wado inay Soomaaliya ka dhacaan doorashooyin.
Sidoo kale, lama oga sida uu ballan-qaadka Madaxweynuhu u dhaqan-geli doona; waxaase degmooyinka iyo Jaamacadaha Muqdisho ka socda kulamo is-daba-jooga ah oo lagu taageerayo Ololaha Qaad-diid, isla markaasna lagu soo Dhaweeynayo baaqii kasoo yeedhay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.
Ololaha Qaad-diid, ayaa Shalay lagu soo dhaweeyey Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) oo lagu qabtay kulan. Maamulka iyo Ardayda Jaamacaddaas ee ka qayb-galay kulanka ayaa si wada jir ah ugu baaqay in Somalia laga joojiyo Qaadka oo dhibaato badan ku haya bulshada.
Ololaha Qaad joojinta ee ka socda Muqdisho, ayaa waxa wada Abuukar Cawaale oo lagu Naaneyso (Qaad-diid), kaasi oo Sannado badan ololaha Magacani ugu baxay ka waday Ingiriiska, kaasi oo markii dambe hirgalay.
Abuukar Qaad-diid, ayaa hore loogu xidhay Magaalada Hargeysa, waxaanu markii la soo daayeyna uu ololahan ka bilaabay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, taasi oo uu uga sii gudbay Muqdisho.