Dhallinyarada Dalka Masar Oo Tahli Waayey Inay Guursadaan & Waxa Sababay !
Qaahira 05. July 2017 (SDN/QJ):- Dhallinyarada guur doonka ah ee isku diyaarinaya inay guursadaan ee u dhashay Dalka Masar ayaa waxa ku habsaday Sicir barrar sabab u noqday in dhallinyaro badani ay guurkoodii dib u dhigaan.
Waxaana ka mid ah dhallinyaradaasi Hisham Jaabir oo muddo dhawr bilood ka hor ah u diyaar garoobay inuu guursado, balse waxa uu aaminay in aanu xilligani ahayn xilligii ku habboonaa guurka maadaama oo qiimihii Maciishada ee Masar uu yahay mid had iyo jeer isa sii taraya waxanu yidhi Hisham “Waxaan aaminay in guurka iyo culeyskiisu uu yahay mid aan haatan qofku qaadi karin waayo xukuumada waxay noo diiday in aan ka nasano Mashaariicda dhaqaale ee ay mar walba wax ka badalayso ee ay leedahay wax baan ku haggaajinaynaa, halka Mushaharadii Shaqaaluhuna ay tahay mid halkeedii taagan oo aanay waxba iska badalin”, hadalka ka soo yeedhay wiilkan Hisham Jaabir oo Da’diisu tahay 28 jir ayaa waxa uu ka soo baxay kadib markii qiimaha shidaalka ee Dalkaasi Masar uu kor u kacay waana arrinta keentay in Dhallinyar badani ka hadasho xaaladda nololeed ee ka taagan gudaha dalkaasi Masar.