DHALINYAROOY, WAA MAXAY DIRSOOCANI QO’LO QO’LADAN JOOGTAA?
BISMILAAH—
waagii dilaacaba nabarbaa i damqanayoo
dhegi waxa ay diidaa maqalkay ku duxayee
waa maxay dakaankiyo dudmadiyo afbuurkiyo
erayada diiciifkee foodlaydu diidee
cirrowgeenu doorbiday?
Mahad eebe ka dib, waxaa igu kalifay inaan maqaalkan isaga ah qoro, markaan arkay halka manta bulshadu marayso iyo sida bulshadeenii ugu milmeen cudurka qabyalada qudhunka ah iyo fikirka maangaabka ah, ee madhalaysnimo ee ay wadato iyo sida ay bulshadeena gadhwadeenka ugu noqotay qaab dhismeedkooda nolaleed haday noqoto mid siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale, iyo fikirba. Inkastoo bulshada qaybaheeda kala duwan ay saamaysay qabyaaladu balhadana waxaan diirada saari doonaa doorka ay ku leedahay ubaha dalka (dhalinyarada)
Bulsho kasta oo aduunka ku nooli waxay leeyihin jiil cusub oo soo kacaya jiilkaas oo ay bulshadu baahi ugu qabto si ay isbadal ugu sameeyaan dhamaan kabayaasha nolaleed ee bulshada, jiilkaas oo bulshadu ka sugayso inay ku hagaan horumar iyo hiigsi nolaleed oo latabankaro, balhadaba u fiirso sida ay bulshadu uga sugayso baahina ugu qabto horumara latabankaro, iyo sida ay dhalinta loo hanwaynaa ay u samaysay cudurka qabyaladu iyo sida horumarkii looga hanwaynaa inay bulshada ku hagaan qaab dhismeed nolaleed oo fiican ay fadhiidka u tahay. Manay dhicin dhalinta manta joogtaa inay fuliyaan wixii bulshadu ka sugaysay.
Dhalinta manta joogtaa waa qaar ay saamaysay qabyaladu islamar ahaantaana caqligoodii iyo muruqoodiiba iyo fikirkoobii ku saleeyey hab fawaaxisha oo qabyaladaysan, iska daa inay bulshada horumar gaadhsiiyana iyagaa u bahan wax mugdiga ka saara, bal u fiirso manta dhalinyaradu kama midaysna horumarka iyo hiigsiga nolaleed ee bulshadooda iyo lafahoodaba ,
Qaarbaa tahriibay oo ku leeday badaha, qaarbaa siyaasiinta afmiisharada ahi ugu adeegtaan hab beelaysan, qaarbaa gidarada camal la’aan la fadhiya, qaarbaa miciin mooday balwadaha.
Balse isma waydiiyaan wixii dantooda mustaqbal ku jirto, waayo waa ubaxii dalka mana yaqiinsana in dadkooda iyo dalkooduba sugayaan iyagoo ku hagaya aqoonta ay barteen iyo fikirkooga saliimka ah, isla mar ahaantaana ku midoobaya hal qabiil oo ah (dhalinyaro) si ay uga midho dhaliyaan hiigsiga nolaleed ee mustaqbalkooda iyo dadkoodaba, uguna midoobaan laxisaabtanka hadba cidii talada dalka haysa, balse may dhicin dhalinyarada manta joogtaa iyagaaba reer reer ukala fadhiya caqligooda iyo cilmigoodiina waxaa ragaadiyey qabyaalad madhalays ah.
Waana ta kaliftay in lagu adeegto, mustaqbalkooduna madow ku danbeeyo
Bal aan soo qaato tuducyo kamida mansada gurmad—–
Miyaan dhalinyaradu mid aheyn miyaan diin qudhaati jirin
Dagalkeenu mid aheyn danta guud inoo ool
Waa maxay dirsoocani
Daydaygiyo asqawgani
Da’yartii maxaa helay eey qolo qolo u doorteen?
Yaa duleeyey iyagoo
Daacuunka reernimo
Doocaanta ugu dhigay duliga iyo qadhmuunkaas?
Tallow mee digriigii
Duruustii la siiyiyo
Macalinkii ku daallee
Mise daahan weeyoo
Dadnimaanay baranoo
Sida laysu daga iyo
Sida laysu dalasadaa
LASOCO, MAQAALKA XIGA
Sacad Jibril Ahmed
telephone: +25224463215
Hargeisa, Somaliland