|

Dhalinyaro Tiro badan oo loo Taxaabay Xabsiga Magaalada Boorama kadib markii ay ku kaceen Rabshado nabadgalyada waxyeeli kara

Borama 18.October 2013 (SDN)- Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Boorame ee maamulka Somaliland, Suleymaan Xasan Xaddi ayaa sheegay in ay xireen in ka badan 60 qof oo dhallinyaro ah oo rabshado ka sameeyay gudaha degmada.

Maayarka BooramaGuddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Maayarka Borama oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dhallinyaradu sameynaysay rabshado iyo dagaallo dhexdooda ah oo ay isku adeegsanayeen seefo, isla markaana ay dhibaato u geysteen goobo ganacsi oo Boorame ku yaalla.

Suleymaan Xasan Xaddi ayaa xusay inay baadhitaan ku wadaan ciddii ka dambeysay rabshadaha, taa soo haddii la soo qabto uu sheegay in sharciga la hor geyn doono.

Maayarka Magaalada Borama Wuxuu u soo jeediyay waalidiinta inay ka war-qabaan carruurtooda, ayna ka qeyb qaataan degenaashaha iyo nabadda.

Borama SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed