Dhalinyaro Shufto Ah Oo Is Hor Istaagtay Imtixaanaadkii Jaamacadda Hargeysa + Daawo Sawirada
Hargeysa,27july,2015(QJ/SDN)-Iyadoo maanta lagu waday in jaamacadda Hargeysa uu ka furmo imtixaanka ardayda freshka iyo seniorada ee jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa jaamacadda weerar kusoo qaaday koox dhalinyaro ah oo budhadh iyo dhagaxaan ku hubaysan waxaana ay halkaasi ka geesteen khasaare isugu jira baabuur ay jajabiyeen iyo in ay waraaqii imtixaanka jarjareen, intaasi ka dib ciidanka nabadgelyada ayaa rasaas ku kala eryay raggaasi dhalinyarada ahaa ee saaka jaamacadda hargeysa weerarka kusoo qaaday.
Lama yaqaano sababta iyo cidda ka danbeysay dhalinyaradan shuftada ah ah ee saaka soo weerartay jaamcadda Hargeysa, balse jaamacadda Hargeysa ayaan ahayn mid illaa hadda maamulkeedu cago adag ku taagan yahay maadaama aan illaa hadda la dhameyn khilaafkii jaamacada horay uga jiray ee ka dhaxeeyay maamulka jaamacadda.
Isku soo wada duuboo Imtixaanaadkii jaamacadda Hargeysa ee loogu talo galay in uu jamaacaddaasi maanta ka furmay ayaan furmin.