|

Dhalinyaro Cadhaysan Oo Suuqa Hargeysa Dhex Baacsaday Askar Qaab Anshaxa Askarinimo Ka Baxsan Ula Dhaqantay Danyarta Kaaryoomayaasha Ku Ganacsata Suuqa Hargeysa

Hargaysa 11,May  2016 (SDN/QJ):- Qaar ka tirsan Ciidanka Bilayska Ka hawlgala Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Dadka danyarta ah ee Bacad yaalka ah ee ku ganacsada hareeraha Jidka Halbawlaha badhtamaha Magaalada Hargeysa ayaa gacmaha iskula tagay Shalay kadib markii ay ciidankaasi ula dhaqmeen Qaab Anshaxa askarinimada ka baxsan.

Wariye Wargeyska Foore ka tirsan oo dhacdadan la kulmay ayaa sheegay inay arintu ka bilaabantay kadib markii ay Ciidankaasi bilayska ahi oo watay gaadhi xaajiyad ah oo dul bannaan ay xoog ku isticmaaleen,islamarkaana ay alaab kaaryoono saarnayd dabada u rogeen,halka ay budhadh la dhaceen dad u badnaa dhalinyaro Allaabtaasi iibinayay,arintaasi oo keentay in dhalinyartiina ay gadood sameeyaan oo ay ciidanka gacmaha ula tagaan. Mar qudha ayay dhalinyartii halkaasi ku sugnayd gacmaha wada saareen ciidankii waxaanay dib uga soo celiyeen alaab ay rabeen inay Gaadhiga ay wateen saaraan,waxa la arkayay askari ka tirsan ciidanka oo jiidayay wiil dhalinyaro ah in gacmaha lawada saaray oo uu orod Gaadhiga rakadiisa ku koray halka askartii kalena ay goobta iskaga yaaceen Naf-xarbigii.

Sida ay Wariyahan u sheegeen qaar ka mid ah dadka Danyarta ah ee Halkaasi ku gacansada,waxa ay ciidanku ula dhaqmeen Qaab ka baxsan ashaxa Askarnimada,waxaanay mararka Qaar sameeyaan,sida ay ku doodeen dadkaasi wariyuhu la kulamay, oo ay ciidanku ku kacaan boob cadaan ah iyo inay qofka alaabtiisa oo ay ku jirto lacagtii uu maalintaasi shaqaynayay ay kala wareegaan. Sidoo kale waxa ay dadkaasi qaarkood ka qaadaan baad maalinle ah,waanay iska dhaafaan,oo waxba ma waydiiyaan qofka Lacagtaasi yar bixiya,waxaanay taasi keentay in Shalay ay Dadkaasi iyo Ciidanku isku dhacaan oo ay gacmaha iskula tagaan,iyada oo dadkii goobtaasi ku sugnaa ama marayay ay aad uga xumaadeen waxa ay samaynayeen Ciidanku iyo sida ay u baabiinayeen alaab Dad danyar ahi leeyihiin oo Waliba dirqi lagu alkumay oo la iskugu keenay.

Wax khasaar ahi kama dhalan Isku dhacayaasi waxaana markii dambe sida lasheegay goobtaasi soo gaadhay ciidan xoojin ah oo ka tirsan Ciidanka bilayska Dawlada Hoose ee Hargeysa, kuwaasi oo dadkii goobtaasi ka gacansanayay qaar ka mid ah Saldhiga utaxaabay,halka ay qaar kalena Garaacis u gaysteen.

Comments are closed