|

Dhalinyarada Jaamacadaha Hadaan la Jiheyn Jaba Waa Ka Danbeeya. W/Q:Ahmed Abdi ( Ahmed karaama)

Waxaa sanad Walba Ka Soo Qalin Jabiya Tiro Ku Dhow Lix kun oo Arday ,Balse aanay Diyaar U ahayn Shaqo ,Taasina waata Keentay In Badhkood Badaha Ku Leedaan , Halka Qaar Kalena ay Murugta la galeen Bulal hoostood dabadeedna ay ku cunayaan Qaadka , Halka Qole Kalana Ay Muran iyo Sheeko Xariiro La fadhiyaan Meheradaha Laga Cabo Bunka Iyo Shaaha, Halka kuwa kale ay Ku biireen Budhcad Xada Dadweynaha, oo aan Ciddi ka baxsan Yar Iyo weynba, Hadaba waxaa lagama maarmaan Ah in shaqo Abuur loo sameeyo xadiga dhalinyaro ee Ka soo baxaysa jaamacadaha, Hadii kale waxay Wadanka u horseedi kartaa Nabad galyo daro, iyo In dhalinyaradu ka dabar go,do wadanka Sidey Deeradu uga Dabar go,dey Dalka , Hantida ugu weyn ee umadi leedahay waa Dhalinyaradeeda, Balse hadii aan laga wada tashan sidii shaqo abuur loogu samayn laa, Waxaan aaminsanahay waata kaliya ee maanta wadankeena ku celin karta xaaladii uu ka soo gudbey waagii Dagaalada, Oo waayo waxaynu ognahay In shalay Tunuus ay nabdoonayd Maantana saldhigi laaday.

arladu Taxriir Bay noqon, Oo wasiiradu suudh xidhnamayaan hadii Boowdyo ragi Qaawan tahay , waxay ku danbeyn sidii Sayid binu caabidiinkii Reer Tunuus ee lahaa Imikaan idiin caawin wakhti Gabal baas ba dhacey.

Maxaa Diidey Odayga Sideetankaa ee Shaqaynaya inuu Inankiisa ku wareejiyo Shaqada Isna iska seexdo Oo jiifka ku jaqo, Maxaa Ku jaban in dawladu siyaasad cad ka yeelato Dhalintan wadanka wax u baranaysa , Isku soo wada duubo Hadaan Dhalinyarada Shaqo loo Abuurin Waxay Noqon daad jiidha deyr walba oo adayg lagu tuhmaayo , Dabadeed Markaasay Madaxweynuhu ku Waalan ,Imikaan Gudi u saarayaa ee arinka ha la xaliyo,  Intaan Taasi Iman Waa aafo qaran ee aan ka wada shaqayno dhamaanteen Shacab iyo dowlada, haday noqoto ganacsadayaal, Culumo, Saladiin, Cuqaal, Aqoonyahan, Hal,abuura, Iyo Dhamaan birmageydada Somalind Dhamaantood.

 

W/Q: Ahmed Abdi (  Ahmed karaama) 

Comments are closed