|

Dhalinyarada iyo Maanta

Waxaan halkan doonyaa in aan ku soo bandhigno Dhalinyarada iyo Maanta waxa ay ku sugan yihiin
Dhalinyaradu waa Lafdhabarta ay bulshadu kufaanto , Aduun yadan aynu ku dul noolnahay wax markasta horumarkeeda soo kordhiyaa waa Dhalainyaro. Hadaba dhalinyarada ku hadasha Afka Soomaliga meelkasta oo ay joogaan waa sidede xaalkoodu, hadii ay noqon laheed kuwooda dibadaha kumaqan ama kuwa wadankii kusugan

Waxa aynu ilaah kabaryeeynaa inta aynaan guda galain Maqalkayaga, in ilaah nawaafajiyo Diinta ismaalka, iyo xuquuqda uuwadankaagu kugu leeyahay
Hadii aynu guda galno Maqaalka aan ugu talo galay in aan kaga hadalno Dhalinyarada iyo Maanta
Qofkasta oo horumar gaadhay Ama wadan walaba oo hore umaray waxa ay leeyihiin Bulsho hogaamisa, hadaba aynu is barbardhigno dhalinyaradii hore iyo dhalinyaradan maanta jirtaa Waxa ay ku kala duwan yihiin
Dhalinyradii hore marka aan leeyahay waxa aan kawadaa waa wixii ka horeeyay dagaaladii Kabilowday wadankii laisku odhan jiray Jamhuuriyada somaliaya,
Dhalinyardaa berigaa jirtay waxa ay nasiib ku heleen in ay ku soo beegmaan oo ay ku soo dhex koraan Bulsho iyo calan aduunyada haybadweyn kuleh, hadii ay noqoto qaab dowladeed ma bulshoba.
Dadka dhoofaa wax ay ahaayeen dad Dalkooda umaqan oo loo soo diro Waxbarasho qaarkoodna ay ahaayeed dad reerkoodu lacag lahaa, Taasoo hirgalisay in ay sharaf ku dhex yeeshaan bulshada dhexdeeda,
Dhalinyaradii hore waxa y ahaayeen dadlagu aaminikaro dowlad ama Rerdhaqasho Maadaama maskaxdoodu aad udhisneed oo ay ku soo dhexkoreen Bulsho ama Qoys kala danbeeyaa, aabe iyo hooyo wadanool walaal iyo adeer is ixtiraama, aad bay utiro badanthay faaiidooyinkii ay ku soo beegmeen dhalinyaradii hore lakiin waxaa isweydiin leh maxay soo gaansiiyeen dhalinyaradii ka danbeeysay jiilkooda
Yey aheed in ay Daba qabtaan Wadanka iyo bulshada dhibtu ku habsatay?
Heebad waxaa ku leedahay dhulkaaga hooyo, qofna ceebtiisa dibada uma soo baxdo ilaa uu Bananka is keeno.
Somalida waxaa lagu sheegaa in ay aheeyeen bulsho rer guuraa ah xoolahana dhaqata walow ay beeruhu jiraan hadana dadka intabadan ayaa ku xidhnaa xoolodhaqato,
Dhalinyaradii hore waxaa ka mid ahaa dhalinyaro inta waxbarasho loosoodira lakiin aan ka faaiideysan walow ay yareed, inagoo ku sii arkeyna qurbaha qaarkood ayba ku dhex milmeen bulshada ay kudhexnoolyihiin
Halka ay dhalinyarada iminka joogtaa ay iyagu xadhiga jeen oo xuduudihii dhaafeen
Dhalinyarada Maanta
Shaki kuma jiro in dhalinyadada maanta ay la soo daristay Dhibato Qax iyo qabyaalad taas oo aafo weyn oomaskaxiyan ah u gaysatay Badankooda
Dadku waxay kufaanaan oo ay farxaanmarka ay arkaan jiilkii ka horeey oo heer gaadhay si ay ugudaydaan oo ay u noqdaa Role model
Aynu ku horeeno Dhinaca Dhibaatada iyo dhalinyarada,
Dhalinyarada ku sugan wadankii gudahiisa,
Dadka ku hadlaa Afka soomaliga waxaa ay ku dhaqan yihiin Geeska afrika , waa dad rer guuraa ubadan iyo xoolodhaqato.
70% waa dhalinyaro, Dhibaatada haysataa Dhalinyarada Geeska Afrika waa ay badab tahay Nabadlaaan , Waxbarasho xumo, QabyaaladDowlad tayo xun
in kastoo aan la soo koobi karin waxaa oodhan waxaa sal u ah waa Nabada ,
Aynu jaleeclo Dhalinyarada Somaliland
Somaliland waa wadan aan weli la aqoonsan waxa ay xornimada kalasoonoqotay somalia (18 may 1991 )
waxaa ay soo martay marxalado kaladuwan, taas oo ay kala mid aheed wadamada ay jaarka yihiin, Dagaalo sokeeye, iyo dhaqaale xumo,Qabyaald
Ililaah baa mahad leh Nabada aynu heesnaa iyo horumarka aynu gaadhnay waxaa inoo dadaalay waa Culimada iyo waxgaradka somaliland oo markasta gunta uxidha sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa wax walba oo dhac,
Waxaa muhiim ah Inlahelo dhalinyarao iyaguna Wadanka kusoo Dabaala Horumar iyo dhaqaale kordhin
waxaynu ilaah uga baryeenaa in aysomalida kalena ilaah nabad kusoo dabaalo
Dhalinyarada somaliland , waxaa ay u baahan yihiin waa waxbarasho tayo leh , Caafimaad tayo leh Shaqo joogto ah, intaba waa aas aaska horumarka bulsho
Waxbarashada hadii aynu uguda galno, somaliland waxaa ka hilgalay waxbarasho aad loogu farxo hadii ay noqon laheed ilaa heer jaamacad, lakiin waxaa is weydiin leh waxbarasha ilaa heerjamacadeed gaadhay maxaa ay faaiidou kentay bulshada?
Waxaa haboon in wasaarada waxbarashadu aad u ilaaliso oo ay isha ku hayso waxbarashda wadanka gudihiisa
Waa kuwa heer jaamacadeede, markasta waa in eegto dhanka wadanka uu u baahanyahay in loo kobciyo,
wadamadan aynu ku noolnahay ee qurbaha , waxaa dhacda in marka qeyb la soo saaro si waxbarashada iyo shaqada wadanka taal laisku dheelitiro, tusaale ahaan , Jaamacadaha wadnka kajiraa waxay ardayda kuxidhaan Darajo aad u sareesa ama waxaa layidhaa wey kaa buuxsantay
waa in aad sugtaa sanadka kale ma waa in aad dalbataa qeybaha kale
taas oo macnaheedu thay dheelitir dhalinyaradana aan niyada kadileen
wasaarada arimaga guda ayaa soo bandhigtay 45 shaqo waxaa soo dalbafay ilaa in kabadan 4500 oo qof, taas macnaheedo waa , wadadkii farsamada gacanta ayaa ku yar oo dhalinyaradii ayaa u dareertay office job
qaybihii kale in aaneey meeshaba kujirin, waa in labadiyaaa fasamada gacanta noocyadeeda kaladuwan, sportigii gudhiisa waa in la dhisaa kuliyado, hadii wadanku uu ku sii socdo sidaa waxa sii badanaya wa TAHRIIBTA oo aynu ognahay dhibaatada ay ku heyso bulshada, inaga oo guda gali doona Qeybtii dhalinyarada iyo qurbha,
Shaqada iyo Somaliland
Somaliland waa wadan soo korya dhaqaalihiisuna aanu aad u fiicnayn, Dhalinyarada wax baratayna ay aad u badan yihiin shaqaduna yartay, tasoo ay kadhalatay, Tahriib, iyo niyadxumo kutimaada dhalinyarada Somaliland
Shaqo abuuristo waxa ay ku timaadaa waa hadba bulshada ay ku habsato shaqo laaan sida ay u fakaraan, iyo Dowlada ay ku noolyihiin sida ay u taageerto, Somaliland Dowlada iminka jirtaa Waxaa aaminsanahay in ay dadaashay maadama ay xooga saartay sidii dhalinyarada loo jaheen lahaa inkastoo aanay aheen 100% kaba soo qaad in ay sameesay 30%
Maxaa la gudboon dhalinyarada! Dhalinyarada Kudhaqan somaliland waxaa la gudboon in ay igau iskood isku abaabulaan , Shaqo abuuris sidii loo sameen lahaa iyo sidii horumar kooda uga tashan lahaayeen, aneey sugin dowlada ama shaqkhsi gaara, Lakiin qof walba Caqligiisa kaashado
Qofka jaamacad kasoo baxaa waxa ay aheen in uu isagu ukeeno caqligii iyo maxkaxdii uu ku hanan lahaa naftiisa iyo ta famligiisaba, wax barashadu wax ay taageertaa qof markiisa horeba ilaah caqli iyo firfircooni siiyay, Aduunyadan waxaa lakala iib sadaa waa IDEAS
kaashada caqligiina hormariya Wadankiina, wadaninimaduu waxaa ay kuu horseedaysaa waa shaqo hadaa wadanii noqoto wadankiisa jecel waxaan hubaa in aad wadankaaga kadhex abuuri kartid waxaa doonayso
Qurbaha weynu ka sheekayn doonaa sida ay dhalinyaradu ku tahay wadamadan aynu usoo tahriibaynaa waa wadan idinlamida dadka aynu usoo tahriibeyna waxa ay aamineen dalkoodii halyeey noqda oo kashaqeeya dhulkiina, Sideey u hormariyeen u hormariya dhulkiina
Somaliland waxaa fadhiya nimco macdan baa taal , beeraa kuyaal xoolaa inoo jooga, aduunku iminka waa casriyeesan yahay ,
Lasoco Qayta 2 aad Dhalinyarada iyo Qurbha

By
Aaden abdilaahi Ali

Comments are closed