DHALINTII DALKEENIYO AAWEY DHAAYAHEENII:Qalinkii (Libaan fagadhe) MARKA HORE BISMILAAHI ARAXMAANI ARAXIIM, MARKA XIGTA SALIGA NABAIGAIYO SUURADAHA QURAANKA(CALEYHI SALAATU WASALAAM)
DHALINTII DALKEENIYO AAWEY DHAAYAHEENII:Qalinkii (Libaan fagadhe)
MARKA HORE BISMILAAHI ARAXMAANI ARAXIIM, MARKA XIGTA SALIGA NABAIGAIYO SUURADAHA QURAANKA(CALEYHI SALAATU WASALAAM)
May du u eegaa maydii maalmuu waa maalmii qadhaadhaa oo kale suuqan madow ee bilaabmay waa sidii kii bilaabmay Aprl – May 1988 ee dhexmarey siilaanyo,siyaad bare iyo dilaalkii migiste siyaasada xukuumadana waa(Abaah Qas )
Alle how naxariistee saaxiibul xigmaawigii sayib ibraahim gadhle ee dirsooc ayuu ku cadeeyey safarkan iyo in aan dadkeena la iibsankarin waxaanu yidhiSidii daalinkii horeMa mid daasad qaatoo
Mowladaha shisheeyiyo
Dibadaha wareegiyo
Doolar kama dhargey dhali
Sidaynu wada ognahaey dowladnimada somaliland kumay iman dhayal ee dhiig baa udaatey ,dharaaro qadhaadh iyo dhib laa dhabar adeygaa loosoomarey,goaan kii ay gaadheen garashayahankii ee loo dhamaa qofkastaa waa ogyey dadka reersomaliland markii ay lasoo noqdeen dowladnimadoodii waa goaan loo dhamaa waxaa taas usii cadeyna dastuurkii umadu ucodeysey sanadii 2001/31/may
oo ay isku raaceen dadku 97.2% maanta sidee shakhsi ugu fikirayaa inuu hankii umadeena kolba suuq madow baayacaad cad quudheeda loo dhigo.
hadaba hore ayaan maqaaladeydii isagoon siilaanyo safarka tagin aan maqaal ujeedadiisa ah kaga war bixiyey oo ahaa xog aan haley
oo aan qorey 23/03/13 isagoon lakulmin boqorada carabtee iyagu midba makhaayad yar furtey oo ay inagu qasbayaan waxyaabo aan inoo cuntamin,halgankii qadhaadhaa ee inasoomarey dhiigii dhalinyaradii doorka ugashey ee ubadnaa dhalintii ciyaal iskuulku naftooda uma hureyn oo wadankan ugama xoreyneyn taliskii macangaga ahaa in shaqsiyaad ay shacbiga been usheegaan oo iyagoo og carabta maryaa waa weyn inay afkale ugu sheekeeyaan umada oo ay wado ladhiso iyo magdhow iyo cadquudheed ay umada ku sabaaleeyaan. naftood hurayaasha dhiigoodii iyo dheecaankoodii daatey waxay ka qiimo badantey 800 sano (sideed boqol oo sano) hadii lasiiyo umada .
Maanta kuwii maalintii lagu dilayey ,ee daldalaada laguu sameynaayey ee diyaaradaa laguu soo direy ee sidii aad ogeyd laguu dilaayey waa kii soobixinaayey wax kastoo lagugu dabar goynkaro maantana waa kuu qirtey waana kuu cadeeyey ee haduu wax kutaraayo maalintaa xumaanta lagugu sameynaayey ayuu ka hadlilahaa markaa makiibaa maanta siilaanyo kolba uu luuq kula shirayaa .
maanta siyaasada xukuumadani waxa ay tahey mid si cad loo bartey noqoteyna(abaah qas) hadaba safarkii ubaxay carabta ee xukuumadan markii ay maryo weynta la kulantey sidaan maqaalkeygii hore idiinku soo qorey waxa lasoo hordhigey kulankii maanta madaxweyne Siilaanyo la yeeshay wasiirka madaxtooyada dalka Emirateka Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan ayaa tibaaxaya in dawladda Emirateku ay ka codsatay madaxweynaha Somaliland inay dawladiisu aqabasho qodobo isku soo dhawaynaya midnimadii Soomaaliya .miyey inoo cuntantaa waa shirqoolada kolba xukuumadan loogu yeedhaayo balse shacbigu wax cidna aaney ku qasbikarin tan ay wado xukuumadan ay siyaasadeedu noqotey(abaah qaska) ,hore ayaa tan ay wadaan loo diidey maantana dunidu hadey iswada raacdo wax ay inagu qasbikartaa majiro oo waxkastoo ay sheegaan unooma cuntamayaan waxa kaliya ee inoo cuntamayaa waa qaranimada somaliland iyo goaankeynu qaadaney.alle ha unaxariis gabayaageenii weynaa ee Barkhad Cas ayaa Xigmadihiisii ay kamid ahaayeen
Hangool gudin gar iyo xadhig
Aqalkaa lagalo iyo dhuxusha giniga ah
Geedkaa inadeeqey gabigeen
Gadniin iglan goosan karimaayee
Somaliland gidigiin gartaa naqa oo
Galoolka maxaynu siinaa
Hadaba waxan ay wadaan carabtan iyo reer galbeedkani waa wax ay ugu talo galeen hayeeshee cid ku qasbi kartaan jirin ,waftigii hadaba siilaanyo wuu ka gaabsadey inuu sheego ujeedada safarka inuu la kulmaayo ka somaliya laakiin hada waxa ay ukulmayaan si qarsoodiya waxa uu tagey kii somaliya ee 1oo qof doorteen wadanka qadar ,wax ay isu jiraan majirto waa sida hargeysa iyo gabiley oo kale xiligey doonaan ayey kulmayaan ee bal muxuu siilaanyo markuu soo noqdo odhan ., hadba warar xogogaal ah ayaa sheegaaya in nimankani ay mashruucan soo hordhigeen magdhow iyo wadooyinkaa ayleeyiin waanu dhiseynaa ,bal marka ay leeyiin shaqooyin ayaanu abuureynaa miyeynaan inagu halgankii aynu soo galney uga tagin shaqooyinkii iyo hantideeniiba ,dib udhiska miyeynaan udumin iyadoo dhisan si aynu uga hoosbaxno dulmiga aad ogeydeen.hadaba maanta miyeynu kubadalanaa aduun yar.Hore ayaa loo ogaa inuu siilaanyo SNM mujaahidiintii suuqmadow ku sarifey ilaa uu yidhi inaan is dhiibno ayaa inala gudboon laakiin waxa maanta nool kuwii ka diidey ee mujaahidiinta ahaa iyo intii udhimatey qarankan intey dhalaan oo ilaashaneysa ee yaanu moodin inay 2qarni ka soo wareegeen ,daahna yaanu idinka saarnaan inuu siilaanyo maanta yahey nin waxkasta raba inuu isku dayo .balse shacabka ayey utalaa arintaa sidey kayeelayaan .
Siilaanyo waxa uu inoosheegey inaanu ka qeyb galeyn shirka london lagu qabanaayo markuu arkey dareenka dadka ,markaa mawaxeynu diidaneyn goobta mise arinkan lawado ayeynu diidaneyn ee gogoshiisii loosoo rarey abu dabay ,hadaba waxaa inala haboon inaynu ka foojignaano masalahan leynoo badalaayo ,madaxweynahii somaliya qadar ayuu tagey maxayse iskujiraan 40 daqiiqo ayaa loo kala socdaa waxaana cad inay kulmayeen labadoodu ,hadii aaney kulmeyn maxay maalmo isku xiga uwadada tageen carabta xukuumadani iyo siyaasani waa (ABAAH QAS) Waxaana shacbiga lagudboon inay mudaharaado sameeyaan si caalamkan suuqa madow kula faqayaa uu u ogaado xaqiiqda shacbiga somaliland inaanay ii binkarin siilaanyo rakaabkiisan daneystayaasha ahi. waana in taariikhdeena dib loogu noqdaa in horeba tan uu maanta wado loo diidey oo waakii Abwaan Barkhad Cas illaahey hownaxariistee ku lahaa xigmadihiisii ay kamid aheyd
Allahayow adoonsigaagii
Anigoon ku dhameyn arkaantii
Miyaan ingiriis usoomaa
Illaahow aduunyadaadii
Anigoon afka gaadhin oon arag
Miyaan ingiriis udhiibaa
Intaad iga siisey oo idil
Shacbiyahow baraaruga sidii 1988 gacmaa isku qabsada cid wax idin yeeleysaana majirto calankan iyo qaranimada somaliland samadaa laga soo aqbaley nin suuq madow ku baayaca iyo nin soorquudheed kula jecel toona wax uu kuyeelayaa majirtee isku duubnaada oo mid ahaada.
DHAMAAD
Qalinkii: Libaan Xaaji Fagadhe
libanfagadhe_1@live.com
Chat Conversation End