|

Dhalin Bilaa Dhuuxa

xooga qaran kastaa ku dhaataa waa dhalintiisa, waxana taas feedh-yaala hadii xoogaas tubta toosan loo dhigi waayo, in xoogaasi noqon doono xaabadii qarankaas lagu gubi lahaa, waxa kale oo manta qarankeena hor-yaal weydiimo aad u badan kuwaas oo ah weydiimo hadii aan laga war-celin ay adag tahay in qarankani sii jiro, waxana weydiimahaas ugu weyn.

  1. Qabyaalada
  2. Dhalin yarada
  3. Qaran aqoon iyo xeer fulin la’aani isgu biireen

Weydiimahaasi waa kuwa ugu waaweyn ee geediga qarankeena hor-yaala, hadaba iyada oo guud ahaan sidaasi jirto, hadana waxa meesha taal in midba gaarkeeda loo furfuro, waana mid u taal aqoon yahanka, iyada oo aan taas ka duulayo, Ayaan hadba meel uga darayaa aqoontayda iyo garaadkayga gaaban, iyada oo aan rabo in aan wax yar uun aan ku biiriyo qarankeenan qabyadu u tahay weelka, waxana aan si gaara aan ugu sheegi lahaa dheegtaha in uu dib ugu laabta qormooyinka aan ka qoray, labadaas qodob ee kala ah:- 

  1. Qabyaalada waxana aan ka qoray:-

    @ qaramaynta qabyaalada

    @ beesha dhexe iyo inta kale

    @ labada beelood ee galbeedka Somaliland

  2. waxa kale oo aan qarankeena aan ka qoray weydiimaha ugu mudan:-

    @ kufsashada siyaasada

    @ waayeel qooqay

    @ qaran janjeedha

FIIRO GAARA:-  waxa aad dhamaantood aad ka helaysaa google/garyaqaan cabdale dahir adan.

Halkaas aan taas aan ku dhaafo, oo aan u dago kalkan iyo waxa aan u qalin qaatay oo ah weydiin aad u weyn oo ah mid aad iyo aad halis ugu ah qarankeena hadii aan tubta toosan loo dhigin, xoogaasina maaha xoog fudud ee waa xoog aad iyo laxaad u jaraaya dhamaan waxa la yidhaa ku gooya, xoogaasi waa mid aqoonta adunkan taala yaqaan, hadii ay tahay waxa loogu yeedho xag-jirnimada iyo reer galbeed nacaybka, waxa kale oo taas feedh-yaalaana waa in ay jiraan xoog kale oo si dhaba u rumaysan reer galbeedka, iyo xoog kale oo labadaas u dhexeeya oo ah xooga aqoontiisu ay qaan-gaadhay, waana xooga aqoontu hagayso, ee aan dhan kaliya ka  arag aqoonta, noloshiisana ka dheereeyay fudayd aqooneed iyo hinaase loo hinaaso ama laga hinaaso qolo.

Waxa kale oo taas feedh yaala, in hogaanka qarankaygu aanu diyaar u ahayn in uu ka war-celiyo weydimaha ka guuxayaa  maanka dhalinyarada,waxana aan ka baqayaa waa in dhalintu halis galiso qarankeena.
Maxaa keenay cabsida?
wiil aqoon leh
da’diisu yar tahay

ka niyad jabay qarankiisa
arkaaya geedi aan sahay wadan
gaadhi kara guusha se hogaankiisu gabay
soo maaha in looga baqo qarankiisa, markii hogaankii qarankiisu noqday rati heeryadiisa cunaaya, waxa uu u taagan yahayna uu yahay
qabyaalad iyo kala furfur bulsho
aqoon gudhan waxa ka soo dhiiqaana uu yahay qudhun
hankiisa iyo hamigiisuna uu yahay xadida hantida qaranka
waxa uu raadiyaana uu yahay kursiga
dheefta kaliya ee uu kursiga u rabaana waa in uu kaligii ka noolado
Qarankaygaw waan kuu baqayaa walaahi, se waxa aan cabsida aan ka dhex arkaa waa liid aad u dhuuban oo iftiin ha, kaasina waa waxa kaliya ee iga dhigaaya in aan halista oo dhan aan si kalsooni leh aan u hor-is-taago.

Hadaba labadaas guux dhexdooda ayuu qarankeenii Somaliland dhex yaalaa, waana waxa keenaya in qarankeenu uu labadaas garab mid uu gacanta u galo, kan kalena uu noqdo mid hadh iyo habeen u taagan in uu markiisa soo dhacsado, waxana halkaas ka abuurmaya nacayb badan iyo kala fogaansho, waxana ceel dheer ku dhacaaya qarankeena oo ah hantida ugu ugu weyn ee aan haysano, waana dhaxalka kaliya ee aan uga tagayno ubadkeena iman doona.

Halka qarankeenu yaalaa waa suryadaas, se waxa aan rabaa in aan dhan kale aan ka eego, taasina waa mida dhabta ah ee aan rabo in aan ku qotomiyo qormadan, waxana weeyi:-

  1. dhalinta hadii aan nahay maxaan rabnaa?
  2. Waxa aan rabno tubtee Ayaan u maraynaa?
  3. Maxaa inaga maqan oo aan baadi-doonkiisa aan wada galnaa?
  4. Maxaan haysanaa, oo mudan in aan xejisano?
  5. Waa maxay se weydiimaha ina hor-yaalaa?

Waa dhab oo dheeldheel maaha taasi, se waxa aniga markasta igala haboon inta aan siyaasada ku roorayno, in aan dib aan ugu laabanao, weydiimahaas, oo ah xundhurta waxa ay tabanayso dhalintu, hadaba maxaan sidaas u idhi, iyada oo dhalinta badankoodu ay rabaan in ay siyaasada ku yaacaan.

Waxa dhab in qarankeenu ku jiro kooto siyaasadeed, taas oo ah in koox uu qarankeenu gacanta uu ugu jiro, kooxdaasina waa koox aana si dhaba uga war-celin Karin weydiimaha aan rabno in ay ka war-celiyaan, waxana taas keenay.

  1. Aqoonta ay wataan oo ah mid guun ah oo gabawday

    Waana mida ugu halista badan ee kala haysata, dhalinta iyo kooxdan kootada ku xidhatay siyaasada, waxana taas ka dhalan lahaa hadii dhanka wacan loo dhigo qodobadan oo ah kuwa aan ku talinaayo in si dagdaga loo abuuro:-

    @ Gudida dhalin yarada qaranka ( National Youth Comity ) waxa kaliya oo gudidan laga rabaana waa in ay diyaariso kana war-celiso weydiimaha dhabta ah ee hor-yaala geediga dhalinta Somaliland, waxana gudidani u shaqaynaysaa si madax-banaan, waxa kale oo xubno ka noqonaaya dhalinta oo kaliya, waxana taas aan uga jeedaa in dhalintu ay diyaarsato, weydiimaha hor-yaala, taas dhigeedana ay ku daraan habka iyo qaabka ay u arkaan xalka.

  2. Iyada oo ay maqan yihiin qaabkii ay u wada xidhiidhi lahaayeen

    @ bulsho qaran wada lihi waa in ay helaan ama ay yaqaanaan hab iyo qaabka ay u wada xidhiidhaan, waxaasi waa waxa keenaya in ay bulshadaasi haba kala argti gadisnaatee isku haynaaya, iyada oo taasi taas tahay waxa aynu dhamaanteen hadii aynu nahay dhalinta iyo waayeelkaba aynu ku guul-daraysanay in aan keeno qaab iyo hab aan ku wada xidhiidhno, oo aan u abuurno Deegan is-af-garad, kaasina inta uu maqan yahay waxa jiraaya, dhibtaas iyo dhaawacaas aan kala qabno.

Intaas marka aan labadeena dhinaca aan isla meel dhigno, waxa kale oo hadana si gaara inoogu taal hadii aan nahay dhalinta weydiimahan:-

1-In aan dib u habayno waxa aan haysano, oo aan ka dhigno qalab waxa aan rabno aan ku soo goosano, waxana ugu mudan qalabkaas dalada dhalinyarada Somaliland  ( Somaliland National Youth Organisation) (SONYO )waxana la gaadhay maalintii si dhaba hawsheeda looga midho dhalin lahaa, waxana meesha taal mar hadii ay tahay madal ay dhalinta Somalliland wada leedahay in aan ka soo saarno qorshayaal wax ka tara geediga dhalinta, kaas oo wax badan aan kaga qabsan karno, halka aan rabnana aan ku gaadhi karno, waana marka garaadka wacan loogu adeego, oo aan dano gaara iyo hawlo gaara aan loogu adeegayn.

Waxa kale oo aan halkan aan si gaara aan ugu soo jeedin lahaa in SONYO loo sameeyo Rugta Kasmo Baadhista ee UFO ( UFO RESEARCH CENTER ), halkaas oo noqota halka diyaarisa waydiimaha dhalinta horyaala, taas dhigeena barbar dhigta war-celinta weydiimahaas, waxana intaas wanaageedu ku soo baxayaa in ay diyaariso qaabka iyo habka iyo hantida ku baxaysa furfurida weydiimahaas, waxana aan odhan lahaa qaabkan iyo habkan ay hada SONYO ay u shaqayso wax weyn baa ka qaldan, waxaasina waxa uu halis dhaba ku yahay maamuuska iyo milgaha dhalinta ee cida hawshaas manta haysaa ha gartaan in bari la weydiin doono hawshii ay hayeen halka ay la mareen.

2-In hadii aan nahay dhalinta aan aad iyo laxaad aan u kobcino garaadkeena aqooneed, waayo waa waxa kaliya ee aan ugu dhaamin karno bulshadeena, waxana taas feedh yaala in aynaan aqoonta ka been sheegin ee aan si niyada, aan ugu adeegno bulshada, waxana intaas oo dhan ka mudan in garaadkeenu uu dheefo qolo qolo iyo reer, oo aan si dhaba uu uga koro garaadkeenu wax kasta oo halis iyo dabar ku noqonaaya hoosna u dhigaaya maamuuska iyo milgaha dhalinta.

 Waxa hadaba la gaadhay markii aan si hufan aan hadana aan u soo ban-dhigi lahaa kaalintan ay dhalinta badankoodu raadinayaan ee ah siyaasada, waa dhab oo waa xaq iyo gar uu leeyahay qofkasta oo u dhashay Somaliland, buuxiyayna dhamaan wax kasta oo hawshaas ku xidhan tahay, hadii ay tahay xeer iyo wixii kale ee hawshaasi u baahan tahay, hadaba iyada oo taasi midaas tahay waxa haboon in aan weydiintan aan is weydiino hadii aan nahay dhalinta, waxana weeyi weydiintaasi :-

Hada ma la gaadhay waqtigii dhalintu siyaasada gali lahayd?

Hadii se la gaadhay waa maxay waxa ka hor-taagani?

   Waa dhab oo guuxaasi waa mid ka dhex guuxaya dhalinta, se waxa dhalinta badankooda ka qaldan habka iyo qaabka loo maraayo raadsashada booska siyaasadeed, taasina waa ta keentay in dhalintu ay galaan xaalad heehaab siyaasadeed, waxana taas ka sii dhasha in ragii ay kootada ugu xidhnayd ay si fudud ugu adeegtaan dhalinta.

Hadaba aniga oo weydiintaas hore ku bilaabaya waxa aan si buuxda aan u lee yahay lama gaadhain maalintii ay dhalintu soo gali lahayd madasha siyaasada, waxana aan sidaas u lee yahay, xilalka ay dawladu bixisaa waa laba:-

  1. Xil siyaasadeed (Political Position )

Waa xilka ay ka midka yihiin wasiirada iyo ku xigeenada, badhasaabada iyo wixii xila ee kale ee siyaasada ku lug leh.

  1. Xil hawleed (Technical Position )

Waxana weeyi xil kasta oo ka baxsan siyaasada, waxana ka mida xilalkaas, agaasimaha iyo xog-hayayaasha.

Hadaba hadii aan dhalinta nahay waxa inoo haboon oo aad iyo laxaad inoogu wacan, in aan qabano xil hawleed yada ( Technical Position ) waayo waxa aan leenahay aqoontiisii, waana xil aan ka soo bixi karno, waxana aad u haboon in aan hawsha qaranka ( National Service ) aan hoosta kala soo qabsano, intii aan dusha kaga soo daadan lahayn.

 

FIIRO GAARA:- 

Waxa aan halkan aan ku soo jeedinaya in la sameeyo xeerka kala xadaynaaya labadan shaqo, waxana dhaba hadii aan la kala xadayn in aanay jirayn hawl si dhaba u kala socotaa iyo kalsooni uu ku qabto masuulku hawshiisa, waxana ay taasi shaqo jab ku tahay qarankeena, waayo hawshu hadii aanay kala qaybsanayn wax kastaa waxa uu ku jirayaa heehaabkaas, waxana haboon in madaxweynuhu toos u magacaabo xil siyaasadeedka ( Political Position ) , halka ay ka tahay in xil hawleedkana ( Technical Position ) ay soo magacawdo hayada shaqaaluhu, waana sida kaliya ee aan kaga badbaadi karno heehaab shaqo.

Aan intaas aan halkaas aan ku dhaafo, oo aan u soo laabto weydiinta ah maxaa dhalinta ka hor-taagan siyaasada?, waxana aan rabaa in aan si dhaba oo hadana kooban aan idin tuso, iyada oo arintaasi ay si dhaba ugu taagan tahay runta:-

  1. Dabar xeer  ( Constitutional Barriers )

    Qodobkani waa mid ka mida qodobada ugu mudan ee dhalinta ka hor-taagan, waana midka kaliya ee ay dhalinta u fudaydin lahaa, wax badana ka caawin lahaa marka ay timaado dhanka xeerarka, waxana taas sabab u ah dhalinta oo ka maqan samaynta xeerarka qarankeena, waana halka ugu mudan, waxana dhaba hadii aad ka maqan tahay madasha lagu dajinaayo xeerarka in ay wax badani kaa maqnaan doonaan inta aad madashaas aad ka maqan tahay, hadaba waxa aad inoola haboon in aan madashaas aan soo galno.

  2. Dabar dhaqan (Traditional Barriers )

    Qodobkani waa mid marka loo yimaado ku dhiirashada siyaasada aad uga hor-taagan dhalinta, waxana weeyi qodobkani mid ay odayada qabiilku ku dooranayaan, cida ay dantooda ka dhex arkaan, waxana ragas ay odayaashu wataan u badan yihiin raga ay wax la cuni karaan, waxana halkan soo hoos galaaya dabar kale oo ah dabarka dhaqaalaha ( Economic Barriers )  waxana uu dabarkaas dhaqaale caawiyaa dabarkaas dhaqan, waxana intaas oo dhan u raaca dabarka xisbiyada siyaasada (Political  Parties Barriers ), intaas oo dhan ayaa dabaro ku ah in dhalintu soo galaan siyaasada, hadaba waxa meesha taal labadan qodob oo aad u mudan.

@ in dhalintu la timaado tab iyo xeelad ay ku jabinayaan dhamaan dabaradaas ka hor-taagan in ay si dhaba u galaan siyaasada, waxana tabtaasi uga baahan tahay garasho iyo garaad aad u gun-dheer, kaas oo edabta iyo garashadu u tahay qalabka ay ku jabinayaan dabaradaas.

@ in ragan kootada ku xidhay siyaasadu ay dib isgu laabtaan oo ay hankooda ay xaqa u leeyihiin ay ku daraan dareen qaranimo, iyo mid wadayeelasho, kaas oo ay si dhaba ay tahay in ay u ogaadaan in qaranka la wada leeyahay, dhalintuna ay tahay cida dhabta ah ee qaranka hogaankiisa la leh, ayna yihiin da’da ku xigta ee hogaanka qabanaysa, sida ay da’daas wax ugu hambeeyaana ay tahay sida kaliya ee qarankeenu ku helaayo wadalahaansho dhaba.

Intaas oo dhan waxa aan ku soo xidhay, qodaxda labaad ee qarankeena ku taagan oo ah dhalinta, waxaana loo badali karaa kaabad uu qarankeenu ku gaadho dhigii waa hadii hogaanku garto taas, hadii kale se waxa iman doonta maalin laga doono meel aan laga soo qaban Karin.

 

Qalinkii:- Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

 

                    Bartay Aqoonta Xeerarka          

 

                   Email:- cabdale1987@gmail.com

 

                  Tell:- 036-4240180   

 

                                     22/03/2015

 

Comments are closed