|

Dhaliisha Mucaaridka oo Xukuumadu Miciin biday,Xili dalka Gudihiisa Maamul Cusub lagaga Dhawaaqay Iyo Dareenka Abwaanka DAAWO

Hargaysa 15.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xukuummadda Somaliland,ayaa wali ku hawlan u jawaabidda Xisbiyada Mucaaridka ah oo dhawaan  Xukuumadda ku dhaliilay in aanay diyaar u ahayn in ay doorashada xilligeeda ku qabato,halka aanay wali ka hadal Madaxweyne goboleed maanta 21 ruux ku doorteen gudaha dalka oo lid ku ah Qarannimada Somaliland.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cilmibaadhista iyo Tiknoolojiyada Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil ayaa  si kulul uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay Axsaabta Mucaaridka ah,halka aanu marnaba soo hadal qaadin Wasiir Cali isla Markaana aanu waxba ka odhan doorashada Cali Khaliif oo isla Shalay uun ka dhacday tuulada Saaxdheer oo ka tirsan gobolka Sool.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay fariin guud oo uu dadwaynaha u dirayo waxaanu   yidhi

“Waxaan la hadlayaa dhamaan shacabka reer Somaliland, waxanan  leeyahay waad ka war qabtaan in xeerkii diiwaan galinta la meel mariyay, Xukuummadda Somaliland iyadu awood dastuuri ah uma laha inay ku dhawaaqdo xilliga ay doorashadu dhacayso, iyada waxa uu waajibka ka saarani yahay inay wixii looga baahnaa doorashada ee dhaqaalahu ka mid ahaa inay diyaariso, doorashada ku dhawaaqideeda sida dastuuriga ah waxa iska leh komishanka doorashooyinka oo madaxbanaan. Xukuummaddu dhinaceedii way ka soo dhaqaaqday, wax walba waa diyaar, mana jiro wax dhiman oo Xukuummadda ku xidhan haba yaraatee..”

 

Wasiirku waxa uu cadeeyay in xeerkii diiwaangalinta muwaadinka  uu xukuumada dhinaceeda ka soo dhamaaday waxana uu yidhi “Xeerkii diiwaangalinta dorraad ayuu Xukuummadda soo dhaafay, waxaana ay Wasaaradaydu u gudbin doontaa Golaha Wakiilada hadii Eebe idmo.

 

Ugu dambayn Wasiirku  wuxuu ku tilmaamay  Xisbiyadda mucaaridka kuwo aan isku kalsoonayn, marmarsiiyona u samaysana sidii ay doorashada uga baaqan lahaayeen waxaanu  yidhi

“Kuwa aaminsan inay Xukuummaddu doorashada dib u dhigayso amma ka meeraysanayso waa kuwo iyagu ka cabsi qaba inay doorasho galaan oo aan iyagu isku kalsoonayn, Xukuummaddu dhankeeda  diyaar bay u tahay inay doorasho gasho, waana la arki doonaa oo ma jirto wax Xukuummadda ku xidhan oo doorashada looga baahan yahay”

 

Hadaba waxay isweydiintu tahay maxaay Xukuummaddu uga  hadli weyday Madaxweynaha 21  qof farta u taageen ee cadawga ku ah Somaliland ama tallaabo uga qaadi weyday shirkii maanta lagu dooranayay,halka ay wali ku hawlan tahay eedaymaha iyo jawaabaha ay mar kasta diyaarka ula tahay xisbiyada Mucaaridka Somaliland.

Waxaa kale oo iyana isweydiinteeda leh sababta asxaabta mucaaridka laftoodu uga hadli waayeen doorashada  ka dhacday Saaxdheer iyo Maamul goboleedka Soomaaliweynta ah ee gudaha Somaliland lagaga dhawaaqay.

Dareenka Abwaanka ee Qadiyadaha dalka ka taagan ka aamusi waayay ayaynu isna eegi doonaa Waa Maansada Gunaad Waxaa Curiyay Abwaan Xasan Daahir Weedhsame “Dalkaan Isu Gee u dhaarshay Sawkan Gobol Gobol u qaybsan” Duqii Gaadhiga Kexeeyay Sawkii Gam’ay ee Lulooday”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed