|

Dhalanteed Waa Maanso ka hadlaysa Dhalinta Maanta

Maansadan magaceeda la yidhaa dhalanteed waxay kahadlaysaa sida dhillinyrada waqtigani nooli ay u badaleen dhaqankii suubanaa ee asturnaa. Wayadii hore way iska yarayd ama may jirinba in inanka soomaaliyeed inanta uu jecelyahay uu ku hodo khiyaamo si uu muraadkiisa foosha xun u fushado.., Taasoo baryahan danbe aad u badatay oo jacaykiiba jar ayaa lagala dhacay .dareenka ay arintaasi igu dhalisay ayaan ka sameeyay maansada Dhalanteed.
Dhakafaarka dunnidiyo
Dhaygagiyo yaabkani
Kamaaloow dhib weeyoo
Waa dhiilo joogtoo
Waa dhabana haysoo
Dhallin waxa la noolahay
Dhismahooda noloshiyo
Dhidibkoodu liitoo
Samaantoo la dhawriyo
Wanaagii ka dhoofoo
Dhaqankii haleeyoo
Runtii dhaan ka raacdoo
Beenta dhadhabinaayoo
Ruuxna ruux ma dhaamoo
Dhado aan wax qarin iyo
Dhaba wada qaloocdiyo
Dhibaa la isku raacee
Maxaa la isku dhaqayaa??
Jacalkii dhabta ahaa
Iyo dhimay galgacalkii
Ka dheeraatay xaajadu
Dhadhankay lahaydoo
Dhinbiilaa qabsadayoo
Way dheeli ciirtee
Yaa dhawrayee jira??
Dhalintii rag iyo dumar
Inaad dhugatay mooyee
Saaxiib la isma dhaamoo
Wiilashii dhankooday
Xaajadu ka dhimatee
Dhulka sawtan lagu go’ay!!
Anuu waan ka dhaygagay
Xiisahan dharaar qudha
La isku dhaashanaayee
Baritana la dhigayee
Kali toban dharaarood
Dhunkashada xaraantee
Lagu habayo dhabankiyo
Habeen la isla dheeliyo
Dhag-dhagtiyo isfahankiyo
Sheekadan dhafoorkiyo
Dhakadeedu qalantahay
Waa dhaqan dhakooliyo
Dhu dheer kaaga yimidoo
Soo dhaxay habeenoo
Diintaa ka dhiidhiday
Dhaqankaana diidoo
Sharcigaa dhaliilee
Dhagartani maxay tahay??
Aakhiro dhankeedii
Miyaa layska dhaafoo
Dhibaa laysa jecelyahay?
Dhabeel ila degaanoo
Soomaalida ka dhalatoo
Dhabna aan u jecelahay
Waligay ma dhumiyoo
Dhaar beena uma galo
Madhantaalo sharaftiyo
Dhaayeheeda wacanoo
Xumaan kuma dhaqaaqoo
Dhegxumo uuma keenoo
Waalidkeedii dhalay iyo
Barbaartaa dhigeeda ah
Maba kala dhaqaajoo
Dhawrsooni waa sharaf.
Maxaa aan dhibaataba
Dumar ugu dhaweeyaa
Waa kuwa na dhalayoo

Way lana dhasheenoo
Waa kuwaan ku dhaatee
Dhabna taan u jecelee
Lagu dheeahay edebee
Qurux loo dhameeyee
Marka aan yar dhaadeen
Dhinaceeda eegaba
Ka qoslaysa dhooshee
Dhaqashada ku fiicani
Ay dhexdooda joogtee
Ma wax loo dhigaa jira.
Raga xumaha dhuuqiyo
Dhidarkani wax laayee
Hablihii dhantaalee
Hadba tii dhabeelee
Dhabankeedu wacanyahay
Dhaayaha la raacee
U dhigaaya dabinkee
Ka jaqaaya dhiigee
Sheeeko aan dhamaaniyo
Dabagaale dhaaankii
Dhagta ugu ridaayee
Iyada dhibaatiyo
Dhadhab iyo xanuuniyo
Dhirbaaxada khiyaamada
Dhulka uugu tuuree
Cidla kaga dhaqaaqee
Ku dhaweeya iilkoow!
Dhimirka iyo garashadu
Dhaliisha iyo ceebaha
Kaa dhawri waaye’e
Horta yaa ku dhalayoo
Yaa kula dhashee nool?
Yaad dumarka dhawrtaa?
Dhurka iyo xumaatada
Wixii aad dhitaysaa
Hadduu adi kudhaafaba
Intuu dhaaxo fido’uun
Saw ma sugo dhashaadoo
Hadhaw sooma dhaadhaco??
Adna dhidar rogoow dhugo
Dharku waa halkiisee
Dhab u fiiri xaajada
Ha u doonin meel dheer
Dhinacaaga eegoo
Miyaad wali dhadhaabiyo
Sida dhagaxa oo kale
Qof aan cidiba dhalinoo
Dhulka jooga haysaa??
Ninkan dhereran suuqee
Dhudi geenyo uguboo
Ula dhabi la moodiyoo
Dheegii hablaha kacay
Aaway dheemantoodii!
Dhulka inanba lga waa!
Dhayal ugu dhaawaqoow
Dhagar qabe inaad tahay
Adigaan dhursuginoo
Dhakhsadoo dagdagayoo
Dhuunigii la karinlaa
Yadoon dhariba lagu ridin
Dhaylada iyo jiidhkii
Dhadhamada ku madhiyoo
Lafihiina dhuuxoo
Saban hore dhameeyee
Dhuxusha iyo xaabada
Soo dhoobtay golehee
Maxaa lagu dhadhaaraa??!
Lugtii jeeni dhaaftaa
Dhiidhida ku galisoo
Kaa jabisa dhabarkee
Idinkuna habloow dhima
Qiiradiyo dhaqaalaha
Dhoofkiyo iswaalkoo
Risiq uu illaah dhigay
Waligii ma dhaxayee
Dharaartiyo habeenkana
Kala dhiga warkoodoo
Dhuuniga ha raacina.
Markii uu isdhaaf dhacay
Dhaqankii jar laga riday
Boocduba dharaarahan
Dhudihii galoolkii
Iyadaa ka dhumucwayn
Inkastooy dhab jira tahay
Intuu dhaaxo noolaa
Dhirta ruux yaqaanaa
Geedkaasi dhuuntee
Dhexdu ay dalooshee
Xarku uu ku dhaashado
Kama goosto dhidibee
Tani wali dhisaysee
Dhalaalkiisaa raacdaay!
Gurigaad dhisaysaa
Ma mid xuun ku dhalayaa??
Dhadhankeeda dunnidani
Ruuxa uu ku dheeryee
Dhaxal runa u haysteee
Dheeraystay amalkee
Dhimashada ilaawee
Dhagahana furaystee
Araguna ka dhoofoow
Nabiyaa u dhaadhacay
Aakhiro dhankeedoo
Dhamaanteed adduunyadu
Way dhamaanaysaayoo
Cid la dhaafi maayoo
Dhallinyarada geerida
Illayn lagama dhaafine
Ma inaan is dhiganaa..??
dhaaxaan dhigeenii
Iil aan ku dhidibnoo
Dhulka aan ku aasnoo
Dhoobada aan saarnoo
Dhagaxaan ku tuulnoo
Xabaal kaga dhaqaaqnee
Dhacdada iyo waayaha
Dheefbaa ku laabane
Ma inaan is dhiganaa..??

Hal-abuur   Yasin yussuf magan(Bardaale)

Email:bardaale01@gmail.com

Comments are closed