|

“Dhakhtarka Hargeysa Balastarka la isku Nabo iyo Irbaddaba waa la iibsadaa oo waxa kaliya oo aan dadka laga kirayni waa Sariirta. Mana jiro” Xildh. Xoog

xoogMelbourne:July,27,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (xoog)oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha wakiillada ugu jira Xisbiga Waddani, ayaa dhaliilo culus dusha ka saaray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Gadhwadeenka ka Yahay.

Xildhibaan Xoog oo fadhi la yeeshay Taageerayaasha Xisbigiisa Ee Halkaas Deggen, ayaa tilmaamay inaanay xukuumaddan haatan jirtaa diyaar u ahayn inay dalka horumar ka ibo-furto, isla-markaana taas Beddelkeeda ay ku hawllan tahay arrimo raqiis ah oo aan natiijo ka dhalan Karin.

Waxa uu xildhibaanku si gaar ah u soo qaatay  Goobaha aasaasayaasha nolosha lagaga shaqeeyo sida Biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada oo uu tilmaamay inay hoos usii dhacayaan marba mark aka dambaysa.

Waxa uu tusaale usoo qaatay adeegga cisbitaalka weyn ee Hargeysa oo isagu ku dhaw inuu xidhmo, maadaama dhammaan adeegyadii yaallay ay lacag noqdeen,

“Dhakhtarka Hargeysa Balastarka la isku Nabo iyo Irbaddaba waa la iibsadaa oo waxa kaliya oo aan dadka laga  kirayni waa Sariirta. Mana jiro wax insurance ah oo kaa bixinayaa, ninkuna haddii aanu  laccag haysan wuu iska dhintaa,  haddii kale waa inuu l asoo hadlaa  mid dibadda jooga oo uu yidhaadhaa waar waan xanuunsanayaaye lacag ii soo dir, waxa meesha lacag lagu burburinayo iyo salaadiinta lancruiserr-da lagu iibinayana waad yaabaysaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xoog.

 

Waxa kale oo uu diiday  jiritaanka Faanka xukuumadda ee la xidhiidha inay kor u qaadeen Miisaaniyadii dalka, isagoo tilmaamay in waxa la kordhiyey ay tahay cashuurtii oo dadkii danyarta ahaa kor loogu qaaday, waxana uu yidhi,

“Miisaaniyadda Xukuumaddu kordhisay ee lagu faano waxba kama jiraan oo shaqooyin lama abuurin, warshaddo lama dhisin waxa la kordhiyey cashuurtii ayuun baa la toban jibaaray dadkii danyarta ahaa.”

Waxa kale oo uuXildhibaan Xoog sheegay in Waxbarashadii dawliga ahayd ay noqotay mid sii dabar go’aysa, isla-markaana maanta qofka lacagta haysta oo kaliya ahi uu waxbaran karo, isagoo xusay in dugsiyadii dawladii xidhmayaan maadaama macallimiintii ay isku shubeen Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo lacago fiican ugu baaqay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed