Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Ee Ka Soo Jeeda Deegaanka Waddada Cad Oo Deeq Lacageed Ku Wareejiyay Guddida Dhismaha Waddada Cad +Sawiro
Hargeisa(SDN/QJ) Qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Wasaaradda Xannaanda Xoolaha ee ka soo jeedaa Deegaanka Koonfurta , Bariga Iyo Badhtamaha Magaalda Hargaysa (Ciidagale) ayaa Deeq Lacageed ku wareejiyay Guddida Dhismaha Waddada Cad .
Munaasibad Kooban oo ka dhacday Royal Hotel Ee Magaalda Hargaysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Wadada Mudane Cali Ibrahim Maxamed (Cali Sanyare) , Xoghayaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Faysal Cayuun , Gudoomiyaha Guddida Horumarinta Beesha Ciidagale Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr Jaamac Maxamed Odowaa , Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxow , Garaad Mustafe Maxamed , Odayaal , Waxgarad Iyo Dhakhaatiirta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha .
Ugu horeen Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Dr Mustafe Cumar Jibriil oo ku Hadlayay Afka dhakhaatiirta waxaanu u mahad naqay Guddida Dadaalka ay ka geysteen Dhismaha Waddada Cad waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “ Runtii qaadhaanku waddadu waa Mid waajib ah oo ina wada saaran kii uunbaanu wadnaa horena aanu uga qeyb qaadannay , waxaan aad ugu mahad celinaya Guddida waddada oo dadaal badan galisay sidii waddadani u hana qaadi lahayd waxaanu mahad naqaya Bulshada ka qeyb qaadatay Qaadhaanka waddadan sido kale waxaan aad ugu mahad celinaya shaqaalaha wasaaradda xananada xoolaha oo runtii intii karaankoda ah isku dayay in ay ka qeyb qaataan ..”
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Dr Cali Yuusuf Faarax oo ku dheeraaday sidii ay dadaalka uga galeen uruurinta Lacagtani isla markaana waxaa uu u mahad naqay Dhamaan intii qaadhaankan lacagtan gacan ka geystay .
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr Jaamac Maxamed Odowaa oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda Xannaanada Xooluhu Noqotay Wasaaradii ugu horaysay ee xasuusatay Danta Guud .
Waxaanu Agaasimuhu carrabka ku dhuftay sida hawshani ku bilaabmatay oo uu sheegay in ay ahayd is xilqaan soo socday Muddo Waxaanu Yidhi “ Qaddarka la uruuriyay ee lacagta ah waa wax yar laakiin laba siyaabood ayuu u waynyahay Ta kowaad wuxuu u waynyahay dadkan wax iska uruuriyay waxay qaataan waa wax Qar 50 Dollar qaataan qaarna qaataan 100 Dollar iyo wax aan dhaamin , Marka la eego marku nin walba uu Bil iska jaro isagoo laga yaabo in uu nin walba reer leeyahay ama Waalidkii uu biiliyo marka waxay noqonaysaa waxay naftoda ka doorbidayaan wax kale oo uga sii baahi Badan ..”
Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) oo halkaasi ka hadlay ayaa ka ku tilmaamay Mashruuca Jidka Waddada Cad jid ay u badheedheen Reer Kaliya oo kaashanayaa Dawladda iyo Bulshada Reer Soamliland isla markaana lala yaabo Jidka calayskiisa iyo sida Reerkas ugu badheedhay .
Geesta kale Gudoomiyuhu wuu ka warbixiyay mashruucan oo uu sheegay in uu ka koobanyahay Wajjiyo Dhawra oo kala ah Wajjiga Kowaad oo ahaa Hargaysa ILa Deegaanka Toon , Wajjiga Labaadna uu ahaa Toon Ilaa Qoolcaday , Qoolcaday Ilaa Salxley , Salaxley Ilaa Ina Guuxaa , Ina Guuxaa Ilaa Awwaare oo ay dhismaha Waddadaasi ay hirgalinayso Dawlad Deeganka Soomalida Ethopia isla markana Uu Gudoomiyuhu sheegay in Qurbo jooga ka soo jeeda Deegaanka Daroor iyo Awwaare ay Deeq Lacageed oo dhan 100,000 Dollar( Boqor Kun Oo Dollar ) ku Darsadeen Dhismaha Waddada ee Ina Guuxaa Ilaa Awwaare .
Ugu danbeentii Gudoomiyaha ayaa u mahad naqay Dhakhaatiirta ka socota wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee lacagta ku darsatay Dhismaha Wadda Cad .
Waxaa iyana Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Horumarinta ee Beelaha Ciidagale Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir Iyo Xildhiban Siciid Maxamed LIbaaxo waxaanay u Mahad naqeen Dhakhaatiirtan Lacagta ku darsatay Dhismaha Waddad Cad .
Qaddarka Lacagta Ay Dhakhtiirtani ay guddida dhismaha ku wareejiyeen ee ay ku darsadeen Mashruuca dhismaha waddada cad ayaa Dhan 2,200 Dollar (Laba Kun Iyo Laba Boqor OO Dollar )
Munasibadan ayaa ku soo gabogabowday jawwi deggen oo farxadi ku dheehantahay .