DHAGEYSO: Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Maanta la Dhaariyay
Garowe, 25,4,2016 (QJ/SDN) – Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ka kooban sagaal xubnood oo shalay cod aqlabiyad ah ku Ansixiyeen Baarlamaanka Puntland, ayaa waxaa maanta dhiirri-geliyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Cumar Camey.
Madasha lagu dhaarinayay Guddiga Doorashooyinka Puntland, ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Guddoomiyha Golaha Wakiillada Puntland, Axmed Cali Xaashi iyo xubin ka socodey Maxkamadda Sare.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Axmed Cali Xaashi oo khudbad ka jeediyay Madasha daarinta ayaa ku booriyay Guddiga Doorashooyinka Puntland inay shaqadooda u gutaan Waajibaadkooda.
DHAGEYSO: Afhayeenka Wakiillada iyo Madaxweyne ku xigeenka PL;
Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa Guddiga Doorashooyinka ku amaanay aqoonta ay u leeyihiin shaqadda loo xil-saaray ee sugaysa.
Ugu dambeyn, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyan guddiga doorashooyinka Puntland.