DHAGEYSO: ‘’Xassan Sheekh: Ku Dhawaad 200 Ayaa Kenya Looga Dilay Dagaalkii Ceel-cadde’’
London — Iyadoo illaa iyo hadda aysan Xarakada Al-Shabaab ka hadal tirada rasmiga ah ee ciidamada Kenya laga dilay iyo maxaabiista laga qabsaday, sidoo kalana dowladda Kenya ka gaabsatay arrintaas ayuu Xassan Sheekh shaaca ka qaaday in laga dilay Kenyaatiga askar kor u dhaafeysa 180.
Isagoo Turkiga kula hadlayay mid kamid ah idaacadaha la iska arko ee Soomaalida ayaa la weydiiyay sababta keentay in Kenya uu tacsi u tago islamarkaana uu garab maro shacabka Soomaaliyeed ee ay isla ciidamada dalkaasi xasuuqa u geysteen.
Wuxuu sheegay in Kenya ay mudan tahay arrintaas isagoo ku andacooday in laga dilay in ka badan 180 oo askari ama wax ku dhow 200. “Kenya waxaa laga dilay boqol iyo sideetan iyo jarjar ama wax ku dhow laba boqol ee maxaan sameyn lahaa haddaan sidaa yeelin” ayuu yidhi’ Xassan Sheekh.
Xassan ayaa u rukuucay meydadkaasi tirada badan ee ciidamada Kenya looga dilay degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, taasi oo ay si weyn uga cadhoodeen shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad intaba.
Hoos ka dhageyso codka madaxweyne Xassan Sheikh