|

DHAGEYSO: ‘’Waxa dhawaan la Qaban doonnaa Shirka Maal-gashiga Ina-Guuxaa oo cid walba u furan’’ Cali Sanyare

Cali Sanyare .

Hargeysa, 14,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiir hore Cali Ibraahim Maxamed [Sanyare] ahna guddoomiyaha Guddida Mashruuca Waddada Cad ee Hargeysa illaa Ina-Guuxaa ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la qaban doonno shirka Maalgashiga magaalo Xuduudeedka Ina-Guuxaa.

Cali Sanyare waxa uu sheegay in magaalada Ina-Guuxaa oo ah magaalo xuduudeed muhiim u ah dhanka ganacsiga ee waddamada Somaliland iyo Itoobiya ay Maalgashigeeda u furi doonnaan cidkasta oo so dalbata kaddib shirka Maalgashiga Ina-Guuxaa.

“Waxa la qaban doonnaa inta uu socdo Wajiga Saddexaad ee Wadada-cad shirka Maalgashiga Ina-Guuxaa oo aanu cid walba u furi doonno in ay maalgashadaan” ayuu yidhi Cali Sanyare oo dhawaan kula hadlaayay magaalada Hargeysa qaar ka mid ah Qurbejoogta degmada Sallaxley.

Sidoo kale, Cali Sanyare waxa uu sheegay In ganacsatada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka codsadeen in magaalada Ina-Guuxaa laga furo bakhaarro waawayn si ay ganacsigooda ugu soo raraan dhanka magaalada Ina-Guuxaa oo uga dhow goobaha kale ee ay hadda ku xidhanyihin.

‘’Qolooyinka Dowladda Deegaanka Soomaalida oo aanu dhowr jeer la qaadanay shirar waxay doonayaan oo ay nagu cel-celiyeen in si degdeg ah dhowr bakhaar oo waawayn laga furo meesha [Ina-Guuxaa], si ay markiiba ganacsigodii ugu soo xidhaan ina Guuxaa, waayo imika Tog-Wajaale iyo Harta-Sheekh ayay u doontaan cuntada waana waddo dheer oo qalloocan oo dhibaato badan u keenta, markaa in bakhaaraddaa la furo oo qol-qol joog iyo qurbejoogba ka qayb galo’’ ayuu yidhi Cali Sanyare.

Dhanka kale, Cali Sanyare waxa uu ka dhawaajiyay in Waddada-Cad ee Hargeysa illaa Ina-Guuxaa lasii wadi doonno isla markaana ay gaadhi doonto deegaannada Fog-fog ee Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya[Illaa Dhagax-buur], iyadoo uu sheegay in dowladda Itoobiya ay Miisaaniyadda ku dartay Mashruuca waddada Cad.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Codka Cali Sanyare.

Halkan Guji Oo Mobile-kaaga Ku Dhagayso CODKA Cali Sanyare

Xigasho: GaloolMedia

Comments are closed