DHAGEYSO: Walaac laga qabo inay dib u dhacdo Doorashada la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya
Muqdisho,16,6,2016 (QJ/SDN) – Waxaa soo baxaya Walaac laga Qabo in Doorasooyinka aqallada baarlamaanka iyo tan hoggaanka dalka ee Soomaaliya ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay oo ah bilaha August iyo September ee Sannadkan.
Sidoo kale, Waxaa jirta in weli aan la dhameystirin Bartil-maameedyo Farsamo oo muhiim u ah qabashada doorashada sida wax ka bedelka Dastuurka KMG ah; gudiyada doorashada, soo xulista ergooyinka iyo muranka ka taagan maqaamka Muqdisho.
Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran Somalia oo ka kooban kuwa Dowladda Federaalka Somalia iyo maamul-goboleedyada dalka ka Jira ayaa toddobaadka dambe Baydhabo isugu tagaya, si ay arrimaha uga hadlaan.
HADDABA; Dhageyso Walaaca laga Qabo Dib u dhaca Doorashada Somalia – VOA;