DHAGEYSO: Ururka Al-Shabaab Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Dagaalkii Dhex-maray Maamulka Puntland
Muqdisho (QJ/SDN) – Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalladii ay maamulka Puntland kula galeen deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal bishii lasoo dhaafay (16 illaa 22March).
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] ayaa sheegay in ciidankoodu ay dagaallo la galeen maamulka Puntland bishii lasoo dhaafay ee March, isagoona sheegay in ujeedka ay dagaalkaasi ka lahaayeen uu ahaa sidii sharcig ALLAAH loogu maamuli lahaa degaannadaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sheekh Cali Dheere ayaa sidaasi ku sheegay hadal Cod ah oo uu soo diray caawa kaasi oo soconaaya in ka badan 30-daqiiqo.
‘’Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin Shantii bishii jamaadul-awal 1437-dii waxay mujaahidiintu dagaallo kula galeen deegaano ka mid ah gobollada woqooyi bari maamulka ashahaado la dirirka ah ee xoogga ku haysta gobolladaasi, hadafka laga lahaa dagaalkaasi waxa uu ahaa sidii sharciga ALLAAH loo gaadhsiin lahaa loogu maamuli lahaa deegaannadaaas, loogana dul qaadi lahaa cadowga daaquutka ah ee ka arrimiya deegaanka muslimiinta ee woqooyi bari,’’ ayuu ku yidhi Cali Dheere Cajalada codka ah ee uu soo duubay.
Halkan Guji Oo Ka Dhagayso Codka Af-hayeenka Ururka Al-Shabaab [Cali Dheere]
Dhanka kale, Afhayeenka ururka Al-shabaab ayaa sheegay in uu hambalyo u diraayo ciidamadoodii ka qayb-qaatay dagaalkaasi.
Maamulka Puntland oo iyagu markii horeba masuuliyadda weeraradaasi dusha uga tuuray ururka Al-shabaab, iyagoo sheegay in dagaalladii ay la galeen al-shabaab ee ka dhacay deegaannada Suuj, Garmaal, Garacad iyo Jariiban ay ku dileen boqollaal ka tirsan xoogaga Al-shabaab halka ku dhawaad boqolaal kalena ay maxbuus ahaan usoo qab-qabteen.